Waa maxay doorka xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ?

Faallo: Markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxay heshay xuquuq ay kaga mid noqoto hay’adaha kala duwan ee ururka, oo uu ka mid yahay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).

Tallaabooyinkii u dambeeyay ee doorashada xildhibaanada EALA ee Soomaaliya ee la doortay

Magacaabista Guddiga Soo Xulista: Bishan Oktoobar 2025, guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” (Golaha Shacabka) iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi (Aqalka Sare), waxay magacaabeen guddi wada-jir ah oo shan xubnood ah oo loogu talagalay maamulista soo xulista xildhibaannada EALA.

Shaqada Guddiga: Guddiga ayaa loo xil saaray inuu soo xusho oo uu baaro shakhsiyaadka u qalma, ka dibna uu liiska kama dambaysta ah u gudbiyo Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo.

Doorashada: Habka doorashada ayaa ka dhacday gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Muqdisho, Xubnaha EALA waxaa si dadban u soo doorta Baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah.

Shuruudaha xulista xildhibaanada EALA
Sida uu dhigayo heshiiska EAC (Qodobka 50), xubnaha EALA waa in ay:

U matalaan xisbiyada siyaasadeed, aragtiyaha, jinsiyada iyo kooxaha gaarka ah ee ka jira dalkooda.

Noqdaan muwaadiniin ka tirsan waddanka ay ka soo jeedaan, ayna buuxiyaan shuruudaha loo baahan yahay ee doorashada baarlamaanka dalkooda.

Aysan ahayn wasiirro ama saraakiil ka tirsan EAC.

Waa maxay doorka ay yeelan doonaan xildhibaanada Soomaaliya?

Wakiilka Soomaaliya: Waxay u matali doonaan danaha iyo mudnaanta Soomaaliya gudaha EAC, iyagoo hubinaya in codka iyo aragtiyaha Soomaaliya la tixgeliyo marka la dejinayo siyaasadaha iyo sharciyada gobolka.

Kor u qaadida isdhexgalka: Waxay ka shaqayn doonaan fududeynta ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha iyo xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.

Hirgelinta heshiisyada: Waxay kormeeri doonaan hirgelinta heshiisyada iyo go’aamada la xiriira EAC, iyagoo ilaalinaya in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato xubinnimadeeda.

Iskaashi nabadeed: Waxay gacan ka geysan doonaan wada shaqeynta arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Matalaadda muwaaddiniinta: Waxay dhageysan doonaan oo u hadli doonaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed, iyagoo soo bandhigaya baahiyaha gaarka ah ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ganacsiga iyo horumarka.

Waxa Qoray Mohamed Abdi Osman Faradheere

Agasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya.