WAA MAXAY DOORASHO?

Waa Su’aal mudan in la is weydiyo runtii waxan raba inaan idilna wadaago Qormo gaaban

Doorasho waa Nidaam Codbixiyayashu ay ku doortaan wakiiladooda iyo Hoggaankooda heer degmo, heer gobol, heer deegan iyo heer federaal.

ama waa wakillada iyo hoggaanka ay yeeshaan Hay’daha kale sida xisbiyada iyo Ururrada siyaasadeed.

Haddaba, maxay tahay muhiimada doorashadu.

Doorashadu waxay leedahay shan 5 Qodob oo muhiima oo kala ah

  1. sharciyad iyo awoodsiinta dawlada.
  2. Doorashadu waxay shacabka siisaa awooda la xisaabtan
  3. shacabku waxay si xor ah u doortaan wakiiladadooda iyo qofka ay u arkan inuu u keenayo isbadal kana dhax arkan danahooda guud.
  4. doorashadu waxay fursad siisaa inay ku tartaman muwaadiniinta kartida hogamineed leh.
  5. doorashada waxa lagaga gudbaa Nidaamka dadban sida, xukun maroorsiga kalitalisnimada Qabyaalada IWM.

Haddaba doorasho miyaa ka dhacday Ethiopia

Waa su’aal waxa xaqiiqo in aanay Ethiopia ka dhicin doorasho balse waxay qabatay munaasabad soo xuluid ah (Selection)

Mana jiro wax Rabitaan shacab haduu rabitaan shacab jiro waxa jiri laha Axzaab siyaasadeed oo Xor ah Ururrada siyasada Waxasi ma aha wax Yaala Ethiopia.

Selectionkii laftiisa aaya dhulka lala simay Deegano ka mida Xukuumada Addis Ababa uu ka mid yahay deeganka soomaalida loo yaqaano.

WQ: C/salaam M. Yaasiin