WAA MAXAY DHALINYARO ?

Dhallinyaro waa qof da’ yar, xoog leh, hankiisu sarreeyo, awoodna u leh in uu wax beddelo, wax hoggaamiyo, soona kordhiyo fikir cusub oo loo baahnaa.

Sidoo kale, waa awooda ugu muhiimsan ee uu leeyahay dal kasta ..

Dhallinyarada waa laf dhabarka ummad kasta waana kaydka iyo awooda qarsoon iyo hantida ay heystaan umad walba, waxaana habboon in si fiican looga faa’iideysto.

umad walbana Mustaqbalkeeda waxa ay ku xirantahay dhalinyaradeedaa, ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeeda  waxa ay xaqiiijisaa guulo badan oo la taaban karo , laakiin umaddii iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a tan hada inaga inagu dhacday oo kale ee sababna u noqotay dowlad la’aanta ummada soomaaliyeed ragaadisay.

Dal walbo iyo duul walboo dabar go’a waxaa sabab u ah dhalinyaradoodii oo gabay doorki kaga aadanaa mujtamacooda iyo wax qabad la’aan waxaana sabab u ah awoodii qarsooneyd ee duulkaasi lahaa oo fashilmay oo aan ula jeedo dhalinyarada.

Dhalinyaranimadu wa xiliga ugu wanagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara, waqtigaa qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin. dhalinyaranimada ayaa lagu tilmaama in ay tahay  xiliga qofku uu haysto fursada ugu qaalisan ee noloshiisa, waa tan koowaade in uu yahay xiliga uu ugu caafimaad badan yahay, uguna caqli iyo cudud wanagsan yahay haystana waqti ku filan, ahna qeybta ugu xooga badan bulshada.

Dhalinyaradu waa  xooga ugu firfircoon ee ummad walibaa leedahay, waana muraayada kaliya ee laga eegto waxa bulsha kastaa ku danbeyn doonto mustaqbalka, oo  hadii ay  kaalintoodu tahay  karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaasi uu himilo wanaagsan ku danbeyn doono, maadama ay yihiin hogaanka iyo mustaqbalka bari. Waana kuwa dalkooda iyo dadkooda meel gaarsiin kara.

Waajibaadka Saaran Dhalinyarada

 

1) Waa inuu hami adduun iyo mid aakhiro ku jiro, Alle ka cabsina leh, lana yimaad cibaado suuban iyo camal wanaagsan, markastana uu yahay qof Alle ku xiran, kuna dadaala hadba wixii uu fursad Ilaahay u siiyey,(waxbarasho, shaqo).

2) Waa inuu ku dadaalaa siduu u anfici lahaa una hormarin lahaa bulshadiisa, kana qaybqaataa horumarka bulshada adiga oo uga qaybqaadanaya Maskax, Muruq iyo Maal intaba. Waa inuu ku fekara maxaad bulshadaada u qaban kartaa kuna soo kordhin kartaa, kana dhex muuqataa wax qabadka bulshadaada.

3) Waa inay la weyntahay talada waalidkiisa/ehelkiisa/waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is leeyahay wax bay kugu kordhinayaan. Niyadana ku haya ciddii soo korisay inay markaan miro iyo manfac ka sugayaan.

Laso qeybta xigta

WQ: C/salaam M. Yaasiin