WAA LAGAMA MAARMAAN IN LA HELO MIDDNIMO SOOMAALIYEED

Iyadoo muddo hore xilligii qeybsiga afrika la hoos  geeyey, saddex gobol laba gobolna ay ka xorooben gumeysigii ayaa waxaa suurtagali weyday in la helo midnimadii lagu baaqay ee soomaalinimo .

Jabuuti waxay noqotay dowlad adduunyadu aqoonsan tahay waxaana halgan dheer loo galay labadii gobol ee kale halgan iyo dagaalo ka dib waxaa muuqda hammi jab iyo kala googo’ xitaa goboladii xorta ahaa qaarkood ay doonayaan in ay noqdaan dowlado iskood u madaxbannaan waxaana ka bilowday waxyaabo ka baxsan hidaha iyo dhaqanka soomaaliyed .

Waxaa kale oo kale oo la ogyahay xitaa haddii ay noqdaan dowlado kala madax bannaan oo ay yeeshaan magacyada ay hadda doonayaan dadka soomaaliyeed waa juwo wada dhashay oo wax walba ka dhaxeeyaan umana baahna heybsooc iyo in la kala faquuqo xilligan aynu joogno nin walbana degaanka uu joogo ayuu xaquuq ku leeyahay waxaana aduunyada ka bilowday is xulufeysi midow iyo awood raadin halka gobolada somaaliyeed ka doonayaan gobolo yaryar iyo wax aan macno laheyn.

Aduunyada waxay u guurtay meeshaas meel ka sarreysa , ma waxay fahmi waayeen in Yuryb oo dhan ay yeelatay hal baarlamaan iyo hal lacag .

Hadaba sow ma fiicna in soomaalidu fahmaan halka adduunyadu ay gaartay haddii uu shaqeynayo caqli wanaagsan iyo fikir saliim ah , soomaalidu ma qeybsanto waxayna soomaaidu ku mahmaahdaa saguaro labo tun oo la kala qalo ma leh .

Dadka soomaaliyeed waxqy wadaagaan wax badan oo aysan wadaagin ummadaha kale waxaana ugu muhiimsan dhaqanaka iyo diinta waxaadna moodaa mararka qaar in soomalidu mayso qarnigii dhulgoosiga h.

Haddii aan tilmaan sax ah ka bixino dhulka waxa uu yahay, ilaah ayaa elh mulkigiisa wuxuuna k ubeeraa  umad taas oo xaq u leh in ay Ilaah ku caabudaaan kuna dhaqmaaan xilliga ay doonaan laakiin waxay ka difaacayaan cadow kasta oo ku soo weerara una diidan inay isku maamlaan diinta iyo dhaqankooda wuxuuna leeyahay xuduud iyo magac lagu yaqaano laaakin ma aha in soomaalidu ay ka dhigto qoobado yaryar oo qabiilba meel heysto iskuna dhibaateeyaan.

Bulsahada soomaalida muddo dheer waxay aheyd ummad ku fiican isa soo dhaweynta , is martigalinta , xididtinimada iyo dhaqanka waxayna aheyd weligeed dad is jecel oo is gacan qabta xilliyada ay jiraan duruufaha gaarka ah marka ay soo weeraraan cadow banaanka ka ah waxay ahaayeen dad is difaaca oo hiil iyo isu gumasho leh.

Waxaa sanadahan dambe soo ifbaxaya gobolada qaar oo ku dhaqmaya isir naceyb soomaalida dhexdeeda ah iyo heyb sooc aysan soomaalida caado u laheyn waxayna ila tahay qof kasta oo soomaali ah Meesha uu dego oo uu hanti iyo maal ku yeesho in ay tahay dalkiisa laakiin marka lagula kaco waxyaabo ka baxsan bini’aadnimada sida raafka, masaafuriska , boobka hantida iyo bililiqeysiga

wa arrrin meel uga dhaceysa soomaalinimada haddi laga ficl qaatana keni karta in soomaalinimada nin walba uu qaato qeyb caato ka dibna gobollada oo dhan qabiilba uu qabiil ka baro kiciyo waana arrin aad iyo aad u xun.

Soomaalidu waa dad walaalo ah gobol kasta oo ay degto lagumana sameyn karo masaafurin, boob iyo bililiqeysi midna haddii ay dhacdana waa arrin saameyn doonta soomaali oo dhan .

Addduunyada waa labo gacmood oo ah midig iyo bidix oo aan kala maarmin , gobolada soomaaliyana waa sidaa oo ma jiro gobol ka maarma gobol kale , ninba meel ayuu shaqo u doontaa mana kala soocna dadka soomaaliyeed umana baahna kala faquuq iyo magacyo loo kala bixiyo mana jiro cid ku heleysa horumar iyo madaxbannaani gaar ah .

Ma jiro dad magac gaar ah leh oo ka bixi kara soomaalinimada haddii ay jirtana mar hore aya la heli lahaa ninba maalin ayuu baahan yahay wuxuuna yiri Abwaan Maxamed Cali Kaariye AUN , ninkii kala saar lahow , ninkii kala sooc lahow,aday talo ku seegtee , soomaaliya soomaali baa leh.

WQ: Abwaan Gabayre