Waa kuma Cabdullaahi Faadhuud?

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar ku qaaday Deegaanno ay ku dhuumaaleystaan Argagaxisada ayaa Horjooge Cabdullaahi Maxamuud Odowaa oo loo garan ogyahay (Faadhuud) oo 57 jir ah, Khawaarijtana u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaatka oo Lacago Baad ah oo ay ka aruursadaan Dadka Shacabka ah, waxaana dilkiisa qeyb weyn ku lahhaa Laba Dhallinyaro ah oo ka mid ah Dadka Deegaanka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Faarax Ismaan Raage iyo Jacfar Axmed Dhuxul oo Ciidanka ka tirsan ayaa goob ay maamulaan Khawaarijta ku soo dhex dilay Horjoogahaan oo aad looga yaqaanay Deegaanka islamarkaana dhibaato farabadan ku hayay Shacabka.

Ugaarsiga horjoogayaasha Khawaarijta ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa aad u xoogeystay Maalmihii la soo dhaafay. Laba ka tirsan Ciidamada Macawisleyda Deegaanka Wargaadhi ayaa Galabnimadii 21-ka Agoosto 2026 Deegaanka Tawakal, oo qiyaastii Shan kiiloomitir u jirata Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku khaarijiyay Horjooge muddo dheer ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta.

Wararka kale ee laga helayo Deegaanka Daarul-nimca ayaa sheegaya in Ciidamada Deegaanka ay weerar ku qaaday Goob ay Maleeshiyaadka Khawaarijta ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla duleedka Deegaanka Daaru-nicma, halkaas oo lagu dilay horjooge Xasan Xuseen Xuurshow, oo loo yaqaanay Xasan Garabdheere.

Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Deegaannada Cadcaddeey, Cadaan-lexeey iyo Daaru-nicma, kuwaas oo hoostaga Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay mid ka mid ah Maleeshiyaadkii Waardiyaha u ahaa Horjoogaha, halka mid kale oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka lagu dhaawacay.

Haddaba Waa kuma Cabdullaahi Fadhuud?

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magac dheeraa (Faadhuud), ayaa 57 jir ahaa, wuxuuna Kooxda Argagixisada ah ku biiray sannadkii 2009-kii, xilligaas oo uu ku sugnaa Deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Faadhuud ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa soo aruurinta Baadda ka sokow sahminta Goobaha ay ka samaystaan Fariisimaha qarsoon iyo Waddooyinka ay u adeegsadaan abaabulka weerarrada Gobolka Shabeellaha Dhexe. Aqoonta uu u lahaa juqraafiga Gobolka ayuu u adeegsan jiray hagidda Maleeshiyaadka iyo u fududeynta falalka Argagixisada ee ka dhanka ah Shacabka iyo Ciidamada.

Horjoogahaan wuxuu si gaar ah ugu lug lahaa tilmaamidda Dhul-kaymeedka ku xeeran Deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay ka mid yihiin Juxaay, Warta Dibisamatar, Bacadka Laandheer iyo Quracda Nayleey, halkaas oo uu Kooxda u sahmiyay meelo ay ka qotaan Godad iyo gabbaadyo qarsoon.

Goobahaas ayuu u xushay in ay yihiin Dhul hawd ah oo ay adag tahay in la gaaro, kana fog Shacabka iyo Waddooyinka caadiga ah, si Maleeshiyaadka Khawaarijtu ugu dhuumaaleystaan ugana abaabulaan dhagartooda.

Howlgalka lagu khaarijiyay Horjoogahan ayaa waxaa fuliyay laba geesi oo ka tirsan Ciidamada Deegaanka, kuwaas oo xeelad ugu dhowaaday, kaddibna ku dilay Hub Gacmeed. Sida Sawirka idin muuqda waa Horjoogaha oo ay Nafta Qori BKM ah u dhiibtay, balse la baxsan waayay ugu dambeyna Gacanta Ciidanka Dowladda ku baxay

Khaarijinta Faadhuud ayaa dhabar jab ku ah Shabakadda Khawaarijta ee sahminta iyo hagidda Weerarrada Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Dhul-keymeedka ku xeeran.