W๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐ญ๐ž๐ ๐š๐ฒ ๐“๐š๐ง๐ณ๐š๐ง๐ข๐š

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wafdi ka socda Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa soo gabagabeeyey booqasho saddex Maalmood ah oo uu ku joogay Tanzania.

Booqashada ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta Adeegyada Dowladda, casriyeynta habraacyada Golaha Wasiirrada, Dowladnimada Dijitaalka ah, Shaqo-Abuurka iyo xirfadeynta Shaqaalaha Dowladda.

Wafdiga ayaa Kulamo la yeeshay Hayโ€™adaha Tanzania, si ay uga bartaan khibradaha Dalkaasi ee Maamulka waxqabadka, e-Cabinet, Adeegyada Dijitaalka ah, is-dhaafsiga xogta iyo Amniga Cyber-ka. Sidoo kale, wuxuu booqday Tanzania Public Service College (TPSC), iyada la isku afgartay diyaarinta Heshiisyo Is-afgarad oo ku saabsan Tababarro iyo is-weydaarsiga Aqoonta.

Sidoo kale intii ay booqashada ku joogeen Dalkaas, waxa ay la kulmeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Tanzania, waxaana ay ka wada hadleen Fursadaha Maalgashi iyo xoojinta Xiriirka Dhaqaale ee Labada Dal.