Ururka Suxufiyiinta IFJ oo Cambaareeyay falalka lagu bartilmaameedsaday Suxufiyiinta deegaanada Somaliland

Ururka Suxufiyiinta Caalamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano IFJ ayaa si aad ah u cambaareeyay falalka guracan ee lagu bartilmaameedsaday Suxufiyiinta ka howlgala deegaanada Somaliland, kuwaas oo wali u xiran maamulka Somaliland.

Ururka IFJ ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Wariye Maxamed Cabdi Ilic oo ah guddoomiyaha MM Somali Tv oo fadhigiisu yahay Hargaysa iyo wariyaasha kale ee xiran.

Maamulka Somaaliland ayaa Magaalada Hargeysa kawada falal guracan oo lagu caburinayo,shacabka iska diiday damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya,iyo sidoo kale warbaahinta ka howlgala degaannada Somaaliland