Midowga Afrika (AU) ayaa taageero u muujiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ay waddo iyo Gogosha wada-hadal ee ay u fidisay Mucaaridka Siyaasadeed.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Ururku taageersan yahay dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan qabashada Doorashooyinka Qof iyo Cod, isla markaana uu soo dhoweeyey Gogosha wada-hadalka ee loo fidiyey dhinacyada Mucaaradka. Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyey taageerada uu u hayo Midnimada, Madaxbannaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika ayaa bogaadiyey guusha Taariikhiga ah ee qabashada Doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee Goleyaasha Deegaanka ee Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale soo dhaweeyey wada-hadallada wax-ku-oolka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeelanayo dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada xasillinta Dalka, gaar ahaan Deegaannada la xoreeyay, iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka Qaranka ee loo qorsheeyay Sannadka 2027-ka.
Midowga Afrika ayaa diiday dhammaan noocyada faragelinta shisheeye ee looga gol-leeyahay kala qaybinta Soomaaliya, isaga oo cambaareynaya tallaabo kasta, cid kasta oo qaadda, oo wax u dhimaysa Madaxbannaanida, Midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya, waxuuna Ururka mar kale adkeeyey Ixtiraamka uu u hayo Madaxbannaanida, Midnimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tilaabadan ayaa ka dhigan guul wayn iyo garab istaag muhiim ah oo ay heshay Dowlada federaalka ka heshay Ururada Caalamka, kuwa Gobalka iyo Dowladaha ugu tunka wayn Caalamka, iyadoo Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa hore taageere ah inuu Doorashada hore usii wado ka heystay Mareykanka, Turkiga, Sacuudiga, Shiinaha iyo kuwa kale, iyadoo uu hadda ku soo darsoomay Ururka ugu muhiimsan Qaarada Afrika, taasi oo arrinta Mucaaradka ay dunidu u arktay in aysan Ajande Soomaaliya aysan wadin oo wax waliba diideen, taasoo kaliftay in Dowladda nidaamkeeda Doorashada lagu taageero.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Xilka sii baneynaya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa Bogaadiyay War-murtiyeedka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika Qodobka 12aad:- oo u dhigan sidan:- ‘Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika wuxuu bogaadinayaa guusha Taariikhiga ah ee qabashada Doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee Golayaasha Deegaanka ee Gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu soo dhoweynayaa wadahadallada iyo wada-tashiyada wax-ku-oolka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu la yeelanayo dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada xasilinta Dalka, gaar ahaan Deegaannada la xoreeyay, iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka Qaranka ee loo qorsheeyay Sannadka 2027-ka’.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Midowga Afrika oo ansixiyay qorshe Saddex weji ah oo lagu dhimayo Ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya.
War lagu daabacay Bogga Baraha Bulshada ay ku leedahay ayay intaasi ku dartay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) ayaa 25-kii Nofeembar 2026-ka yeeshay Shirkii 1380-aad, kaas oo looga hadlay xaaladda Amniga Soomaaliya iyo Mustaqbalka howlgalka AUSSOM. War-murtiyeedka Shirka waxaa lagu soo bandhigay qodobbo muhiim ah oo la xiriira dhimista Ciidamada AUSSOM, wareejinta Saldhigyada iyo Mas’uuliyadda Amniga, taageerada Ciidamada Soomaaliya iyo qorshaha Amniga wixii ka dambeeya 2027-ka.
QODOBBADA MIDOWGA AFRIKA EE KU SAABSAN SOOMAALIYA
1. Waxa uu bogaadinayaa guusha Taariikhiga ah ee qabashada Doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee Goleyaasha Deegaanka ee Gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale soo dhaweynaynaa wada-hadallada wax-ku-oolka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeelanayo dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, taas oo qayb ka ah dadaallada xasillinta Dalka, gaar ahaan Deegaannada la xoreeyay, iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka Qaranka ee loo qorsheeyay Sannadka 2027.
1. Waxa uu diidayaa dhammaan noocyada faragelinta Shisheeye ee looga gol-leeyahay kala qaybinta Soomaaliya, isaga oo cambaareynaya tallaabo kasta, cid kasta oo qaadda, oo wax u dhimaysa Madaxbannaanida, Midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya.
2. Waxa uu soo dhaweynayaa Warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ku saabsan Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Waxa uu sidoo kale soo dhaweynayaa Qorshaha Kala-guurka ee ay wada diyaariyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka kooban saddex marxaladood oo isku dhafan, laguna dhimayo joogitaanka Ciidamada AUSSOM si nidaamsan oo marxaladaysan, sida soo socota:
a) Marxaladda koowaad: Nofeembar ilaa Diseembar 2026.
b) Marxaladda Labaad: Janaayo ilaa Diseembar 2027.
c) Marxaladda Saddexaad: Wixii ka dambeeya Sannadka 2027.
Sidaas darteed, waxa uu ansixinayaa marxaladda koowaad iyo marxaladda Labaad ee qorshaha kala-guurka.
1. Waxa uu dib u xaqiijinayaa garab-istaagga Midowga Afrika ee shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan himilooyinkooda ku aaddan Nabad waarta, Amni, Xasillooni iyo Barwaaqo, isaga oo adkeynaya sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inuu sii wado taageerada Soomaaliya ee dadaallada lagu xaqiijinayo Nabadda iyo Xasilloonida Dalka.
2. Waxa uu mar kale adkeynayaa Ixtiraamka Midowga Afrika uu u hayo Madax-Bannaanida, Midnimada, Madax-Bannaanida Siyaasadeed iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

