Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan la xiriiray dardargalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda Dalka Soomaliya ku yeeshay Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya .
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee ururka waxaa looga hadlay horumarrada ka socda dalalka islaamka iyo xaaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan oo oo ay muuqdaan in ay hoos u dhaceen damacii Israel ee ay ku aqoonsatay maamulka Soomaaliland.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Mudane Youssef bin Mohammed Al-Dubaie oo ku hadlaayey magaca Xoghayaha Guud Hissein Brahim Taha ayaa sheegay in midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yihiin kuwo muqadis ah oo lama taabtaan ah.
Mas’uulkaasi ayaa xusay in dalalka dunida ay xilligaan arkayaan isbeddellada degdeg ah iyo caqabadaha kale ee isku xiran, isagoo intaa raaciyay in kulankaan uu ku soo beegmayo waqti Soomaaliya ay wajahayso difaaca iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dheleed ee Soomaaliya.
Guddigga Fulinte ee ururka Iskaashiga Islaamka waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay garab taagan yihiin Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,iyagoo sidoo kale cambaareeyay xadgudubka xukuumadda Israel ay ku dooneyso in ay burburiso midnimada Soomaaliya,isla markaana ay abuurto xasailooni darro ka dhacda Geeska Afrika iyo badda Cas.

