Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee gobolka

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey ganacsatada Soomaaliyeed inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee gobolka, isla markaana ka qaybqaataan bandhigga ganacsi ee Som Souk Expo 2026.

Agaasimuhu wuxuu xusay in xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay dalka u furayso fursado lagu gaari karo suuq ballaaran oo heer gobol ah.

Wuxuuna sidoo kale tilmaamay Agaasimuhu in Som Souk Expo 2026 uu gacan ka geysan doono kobcinta ganacsiga gudaha, isku xirka ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashadayaasha, iyo diyaarinta ganacsiyada gudaha si ay ugu tartamaan, isla markaana ugu kobcaan suuqyada Bariga Afrika.