UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Ciidamo ku hubeysan taangiyada Israel ayaa qaramada midoobay ku qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee ay ka wadeen Deir el-Balah oo ku taal bartamaha Gaza, ka dib markii Israa’iil ay amartay in dad badan laga raro deegaankaasi oo ahaa xarunta howlgallada UN-ka.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in lagu qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee Gaza,ka dib markii ay ka soo guureen Rafah oo ciidamada Israa’iil ay duullaan dhulka ah ku qaadeen horaantii sanadkan.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada Israa’iil oo weeraray Dier el-Balah iyo Khan Younis ay dileen ugu yaraan 14 qof, sida ay ku warameen wariyaasha ku sugan Marinka Qaza.

Agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia ayaa sheegay in Isreal ay diidday shidaalka qaybta caafimaadka, ayna doorbideyso in gabi ahaanba la burburiyo.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa mareysa ugu yaraan 40,476 qof,halka dhaawacana lagu sheegay 93,647 tan iyo dagaalkii bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.