Ukraine:mowjado gantaallo ah oo ruxay Odesa, Dnipro iyo Kyiv

Qaraxyo dhowr ah ayaa ruxay qaybo badan kamid ah Dalka Ikrine,gaar ahaan deegaanada dhaca  koonfurta ee Odesa, caasimadda Kyiv, iyo magaalada Dnipro.

Kooxaha Dab-damiska ah ayaa ka shaqeynaya inay damiyaan dab ka kacay xarumaha kaabayaasha tamarta, kadib markii ay ku dhaceen  gantaallada Ruushka.

, weerarka Ruushka ee dhinaca hawada ayaa weli ku socdo Ukraine,gaar ahaan Kyiv iyo magaalooyin kale oo muhiim ah.