Ukraine oo Turkiga ka iibsanaysa Diyaaradaha dagaalka ah ee casriga ah

Dowladda Ukraine ayaa qorshaynaysa inay soo iibsato 24-ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah kuwaas oo ay soo saarto Dowladda Turkiga,Bayraktar TB2 ayaa ah nooc diyaarad dagaal oo casri ah taas oo lahayn duuliye,taliyaha guud ee Ciidamada dalka Ukraine ayaa warkan sheegay xili uu waraysi siinayey wakaaladda wararka ee Azerbaijani Report.

Dalka Ukraine ayaa hore u haystay 12 ka mid ah diyaaradaha “ Bayraktar TB2 UCAVS” kuwaas oo ay u adeegsadaan Ciidanka Badda iyo Cirka.

Turkiga ayaa diyaaradaha Bayraktar TB2 ka iibiyay dalal ay ka mid yihiin Ukraine, Qatar, Azerbaijan iyo Poland, iyadoo Poland noqonayso dalkii ugu horreeyey ee Midowga Yurub ah sidoo kalena xubin ka ah NATO ee Turkiga ka iibsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.