Ukraine oo Hey’adaha Lacagta Adduunka ka codsatay gargaar degdeg ah

Maamulka sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka, ayaa ku dhawaaqay in Ukraine ay ka codsatay hay’adda maaliyadeed ee caalamiga ah gargaar maaliyadeed oo degdeg ah.

“Waxaan raadineynaa fursado aan Kiev, ku siinkarno taageero maaliyadeed oo gaaraya $ 2.2 bilyan oo Dollar” ayaa lagu yiri  bayaan ka soo baxay maamulka Sanduuqa Lacagta Adduunka, ka dib shir ay yeesheen galinkii danbe ee Jimcihii.

“Waxaan sii wadi doonnaa la shaqeynta Kooxda Bangiga Adduunka iyo la hawlgalayaashooda si aan isku dubbaridno taageerada la siinayo Ukraine,” ayay tiri Georgieva  oo ah Agaasimaha Sanduuqa lacagta Adduunka.

Georgieva , ayaa hore u muujisay walaaceeda ku aaddan saameeynta ka dhalan karto duulaanka Ruushka ee Ukraine, xilli dunidu ay wali ka soo kabanayso dhibaatadii uu sababay xanuunka Covid-19.