Ukraine ayaa sheegtay in ay burburisay 40% oo ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Ruushka

Ukraine ayaa sheegtay in ay burburisay 40% oo ma mid ah ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

Ukraine ayaa sidoo kale shalay sheegtay inay burburisay toddobo helikobter iska horimaadyo ka dhacay deegaanka Chornobaivka ee Ukraine, ayaa lagu yiri bayaanka Dowladda.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine, oo billowday 24-kii Feberaayo, ayaa dhaleecayn caalami ah u jeediyay, taasoo keentay in cunaqabatayn dhaqaale lagu soo rogo Moscow, waxayna kicisay in shirkado caalami ah ay ka baxaan Ruushka.

Ugu yaraan 691 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dalka Ukraine 1,143 kalena waa lagu dhaawacay tan iyo bilowgii dagaalka.

Iyadoo sidoo qiyaasayo In ka badan 3 milyan oo qaxooti ah ay u qaxeen dalalka deriska ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.