Ukrain oo soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah

Saraakiisha Ukraine ayaa  sheegay in Ukraine ay soo ridday laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah kuwaas oo ay leedahay dowladda Ruushku.

Madaxa maamul goboleedka Vinnytsia, Serhiy Borzov, ayaa baraha bulshada ku sheegay in Ukraine ay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay  SU-25 meel u dhow Kalynivka  gobolka Vinnytsia.

Saraakiisha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa bartooda Facebook ku sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Ukraine ay soo rideen diyaarad nooceedu yahay IL-76 oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada cirka ee Ruushka ee ku sugan gobolka Vasylkiv, Vasylkiv waxay 35 kiiloomitir (22 mayl) u jirtaa caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Faragelinta militariga Ruushka ee Ukraine ayaa galay maalintii saddexaad oo Sabti ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada Ruushka ay dhowr jiho ka soo aadeen dhanka magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay faragelinta militari Khamiista, maalmo kadib markii uu aqoonsaday laba deegaan oo ay gooni u goosadku ka haystaan bariga Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Ruushka ku eedeeyay in ay isku dayayaan in ay soo dhisaan dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, waxa uuna sheegay in dadka Ukraine ay dalkooda ka difaaci doonaan duulaanka Ruushka.