Uhuru Kenyatta oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Kenya mudane, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa haatan kazoo degey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Kenyatta iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya munaasadda caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.