Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob macbad ah oo ay ka socotay xaflad.

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob Macbad oo ku taal duleedka caasimadda Liberia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Khamiistii sheegtay in masiibada habeenimo ay ka dhacday isu imaatin lagu qabtay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla magaalada New Kru, oo waqooyiga ka xigta Monrovia. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay is jiid jiidka.

Afhayeen u hadlay booliiska Moses Carter ayaa sheegay in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen masiibadan balse uu khasaaruhu intaa ka badan karo.

Madaxweyne George Weah ayaa la filayaa inuu booqdo goobta galabnimada maanta, sida uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta Madaxtooyada.