Madaxweynayaasha Xiriirrada Kubadda Cagta ee Qaaradaha Yurub iyo Afrika ayaa ka hadlay tayada iyo kartida Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan
Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa markale taariikh cusub u dhigay Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, kadib markii Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA uu u magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup oo ka dhici doona magaalada Salzburg ee dalka Austria 12-ka Agoosto 2026, kaas oo dhexmari doona kooxda ku guuleysatay Champions League ee Paris Saint-Germain iyo kooxda hanatay Europa League ee Aston Villa.
Cumar Cartan, oo tan iyo sanadkii 2018 ku jiray liiska garsoorayaasha FIFA, ayaa loo aqoonsaday mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika, isagoo ku guuleystay abaal-marinta Garsooraha Ragga Afrika ee Sanadka 2025.
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee UEFA, Aleksander Čeferin, ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay garsoore da’yar balse leh khibrad sare, isla markaana uu mudan yahay fursaddan taariikhiga ah.
Dhankiisa, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF, Dr. Patrice Motsepe, ayaa ku tilmaamay magacaabistan sharaf weyn oo usoo hoyatay Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika, isagoo xusay in Cumar Cartan uu tusaale u yahay kartida iyo tayada garsoorayaasha Afrika.
Magacaabistan ayaa ka dhigeysa Cumar Cartan garsoorihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee loo doorto inuu dhex-dhexaadiyo kulan rasmi ah oo heerkan sare ah oo ay maamusho UEFA, taasoo ah guul taariikhi ah oo ku suntan horumarka kubadda cagta Soomaaliya.

