Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowlada hoose Xamar

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowlada hoose Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha baaxada leh oo ay waaxdani u heyso bulshada Caasimadda.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa mid mid u booqday xafiisyada Waaxda xarunta Caafimaadka isagoo wareysiya kala duwan la yeeshay howl wadeenada xaruntani si uu uga dhageesto shaqada ay bulshada u hayaan iyo tayada adeegyada ay bixiyaan