Ubadka aad dhashay waa deeq Alle SWT uu ku siiyey waxaana waajib kugu aha inaad ku barbaarisid tubta toosan ee Alle raaliga ka yahay, taasoo ubadka naftiisa iyo mustaqbalkiisaba badbaado u ah aduun iyo aakhiro, Ubadka oo wadada togan lagu abaabiyo waxay keenaysaa in shartiisa umada ay ka nabad-gasho oo aanay dhib kuu soo jiidin beri adigii oo waalidkiisi ahaa Hooyo ama Aabe midkii doonto ahaawe.
Islaamku wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in ay u istaagaan barbaarinta ubadkooda oo ay lagama maarmaan tahay in ay ahaato barbaarin wanaagsan oo ku saleysan kalgacal iyo isku dunmid bulshadeed. Xaqiiqdii barbaarinta ubadka yaryar lagu barbaariyo mabaadi’daa diinta Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan waa arrimaha ugu muhimsan ee had iyo jeer in la isku baraarujiyo loo baahan yahay.
Barbaarinta wanaagsan ee ubadka la siiyo waa arrin muhimad weyn uleh bulshada lagama maarmaanna u ah nolosha ummadda ee waqtiga soo socda iyo horumarka qaranka. Ummaduhu waxaa ku kala hormaraan xagga dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan. Tarbiyada diiniga ah ee saxan oo kaliya ayaana suuragelin karta in akhlaaq wanaagsan la helo. Ubadku waa amaano waalidka qoorta u suran, waxaana loo baahan yahay in aabe iyo hooyo kastaba ay Ilaahey ka cabsadaan oo ubadkooda ku barbaariyaan dariiqa wanaagsan. Ubad kasta wuxuu aabihiis xaq ugu leeyahay in uu ku dadaalo edbintiisa, barbaarintiisa iyo waxbariddiisaba iyo in uu magac wanaagsan u bixiyo.
Hooyada waxaa iyadana laga rabaa sidoo kale in ay ku dadaasho canuggeeda kuna tarbiyeyso run sheegidda, amaannada, toosnaanta iyo akhlaaq kasta oo wanaagsan. Waxaa kale oo hooyada looga baahan yahay in ay caruurteeda jecleysiiso gacan siinta iyo u damqashada dadka kale, Sidoo kale waa in ay nuujiso muddada uu nuujinta u baahan yahay ayna si fiican u xannaaneyso, sidoo kale hooyadu waa in ay canuggeeda koolkoolinta ka badin ayna garab ku siinin gefafkiisa haddii aabuhu doonayo in uu toosiyo ama canaantana waa in ay gacan ku siisaa.
Ibnu Cabbaas Alle SWT ha ka raalli noqdee waxaa laga weriyay in:
Nabeigu(N.N.K.H.A.) uu yiri: “laasima ubadkiinna edebtoodana wanaajiya”. Xadiiskan wuxuu waalidiinta ku waajibinayaa in kormeer joogto ah ku hayaan ubadkooda ayna si wanaagsan u edbaan. Aabayaasha iyo hooyooyinka waxaa laga rabaa in ay mar walba la socdaan ubadkooda guriga gudihiisa iyo dibaddiisaba waxa ay qabanayaana ka war hayaan.
Waa in ay jecleysiiyaan waxyaabaha wanaagsan necbeysiiyaanna waxyaabaha aan fiicneyn amaba dhibaatadu ku jirto. Waalidiintu waa in ay ubadkooda baraan aadaabta looga baahan yahay meelaha la isugu yimaado. Haddii xagga ilmaha uu ka yimaado fal ama dhaqan wanaagsan waa in lagu amaano, laguna dhiirrigeliyo laguna abaalmariyo, Haddii fal xun ka soo fulana waa in lagu dhaliilo laguna canaanto.
Markii canuggu gaaro heer uu wax kala sooci karo, labadiisa waalid waxaa laga rabaa in canuggooda ay ka reebaan in uu ku darmo dadka ahlu sharta ah iyo kuwa akhlaaqdoodu halleysan tahay iyo in uu tago meelaha ciyaaraha xun xun lagu qabto iyo shineemooyinka lagu soo bandhigo aflaamta kharriban. Labada waalid waxaa kale oo laga rabaa in ay canuggooda jecleysiiyaan in uu ku mashquulo wixii faa’iido u leh xagga diintiisa iyo xagga adduunyadiisa. Sidoo kale waxaa labada waalid laga rabaa in ay ilmahooda qabadsiiyaan gudashada waajibaadka diiniga ah iyagoo baraya shuruudaha iyo adaabta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkaas.
Rasuulkeennu (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Bara ilmihiinna salaadda marka ay gaaraan 7 sano kuna garaaca marka ay gaaraan 10 sano, kuna kala saara xagga jiifka”. Marka waalidku uu ilmihiisa wanaagga ku tarbiyeynayo waxaa laga rabaa in uu u sameeyo waqti ay fursad u helaan isboortiga si ay nafis u helaan aysanna u dhibsan shaqada iyo waxbarashada.
Labada waalid marka ay ilmahooda tarbiyeynayaan waxaa laga rabaa in ay muujiyaan dhimrin, dabacsanaan iyo qallafsanaan la’aan. Saxiix al Bukhaari waxaa ku soo arooray in Rasuulku (N.N.K.H.A.) uu yiri: “Arrinna lagama helo dhimrin illowse wey qurxisaa, arrinna lagama siibo illowse wey fuulxumaataa”.
Sidaas darteed labada waalid waxaa laga doonayaa in ay ka feejignaadaan garaacista ilmaha iyo guulguulkooda, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in garaacista iyo guulgoolka ay raad xun ku abuuraan nafsadda canugga. Haddiise ay labada walid u arkaan in canugga aan uu hagaageyn in la garaaco ama la guulguulo mooyee, markaas waxba kuma jabna garaacistiisa iyo canaanta iyagoon ku talax tegeyn, waxaana reeban in garaacistu ay ka badato 3 jeer, maxaa yeelay waxaa la weriyay in Rasuulka (N.N.K.H.A.) uu ku yiri Mardaas oo macallim ahaa “ka digtonow in aad 3 jeeer wax ka badan garaacdo, maxaa yeelay haddii aad sidaas yeesho Ilaahey ayaa kaaga qisaasaya”.
Garaacista badan waxay ilmaha sabab ugu noqon kartaa qalbi adeeg iyo caasinimo. Rasuulka (N.N.K.H.A.) wuxuu yiri: “Allaha u gargaaro waalid ilmihiisa gacan ku siiyay in ay baarri u noqdaan”.
WD: Ibraahim Warsame Xuseen