TUUGSI IYO TACBASHO KALA MUUNAD ROON

Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxaa dalkeena ku habsaday dhibaatooyinka ka dhashay dagaallo sokeeye oo aan anaga qudheenu iba-furkooda lahayn, hayeeshee aanu afarkooda awoodi kari waynay oo aanu illaa maanta la tiicayno.

Abaaro, bara-kac joogto ah, cudurro, fahaado, sicir barar, biyo la’aan iyo baad yari, iyo dac-darro dad iyo duunyoba basarkii iyo bahdii ka dishay ayaa kaalimaha hore kaga jira waxyaaba aanu collaadaha ka dhaxalnay oo miyi iyo magaalo bulshadii baylahda dhan walba ah u horseeday.

Hooggii iyo hagaaskii dhibaatooyinkaas ka dhashay ayaa kumanaan soomaali ah  ku riixay inay dalaabaan oo ay dalal shisheeye u tacabiraan nolol feecan baadi goobaya, carrigooda hodankaana ay jinnigii  isha caddaa ka nebcaadaan  oo isaga huleelaan.

Socdaal ay halis baaxad lihi ku gadaamantahay oo dhimasho iyo dhur xumo kale leh ayay isku biimeeyaan ayagoo halku-dhaggii caan baxay oo ahaa ” ama yurub ama yaxaas” laabta ku qabowsanaya oo aan miyir iyo maamin kale toone lahayn.

Kuwaa buufiska baahida huwane qaaday garanaye, waxaa ayaguna jira qaar ay abaaraha iyo fatahaaduhu cayrteeteen ama deegaankoodii collaad uga bara kacay oo magaalooyinka buushash iyo cooshado ka ag waabtay, yididiilladooduna ay ku soo ururtay kaalmada danaha shisheeye ku daaban ee ay hay’aduhu bixiyaan.

Qaarkood qabkii iyo iimaankii ayaaba ka dhintay markaa bay baryadii Illaahay iyo maciinsigiisii ka hormariyeen tuugsiga iyo gacma hoorsiga faranjiga, marka  noloshooda ka waramayaanna ka billaabaya “waanu  dhibaataysannahaye hay’aduhu si deg deg ah ha nooga soo gaareen”.

Ayaga qura ma ehee soomaalida oo dhan ayuu dawarsigu meherad u noqday oo qolo waliba waxay ku leeyihiin keligeen waxba ma qabsan karno haddii aynaan taageero helin oo aan waxaa iyo waxaa laynaga gacan siin, caalamkuna inoo soo gurman.

Warbaahintu markay qof abaar, fatahaad ama collaadi saameysay wareysanayaan wuxuu yidhaahdaa” waxaan baaq u dirayaa hay’adaha caalamka, haddii aan si deg deg ah laynoogu soo gurman waxaan qarka u saarannahay inaanu gaajo iyo harraad u baaba’no iwm”.

Dhawaqyada caynkaas ihi waxay kansho dhaqaale u noqdeen boqolaal urur oo magaca soomaaliyeed qaaraanno badan ku aruursada, magaallo walbana intay xeryo iyo daashad ka samaysteen yidhaahda dadka tabaalaysan ayaan u gargaaraynaa.

Kooxahaasi dhowrkii biloodba waxay soo saaraan warbixinno ay ku sheegayaan in dalka soomaaliya uu halis ba’an wajahayo, loona baahanyahay in in malaayiin doolar loogu deeqo si noloshada dad badan loo badbaadiyo tusaale waxay dhahayaan” 2.5 malyan oo soomaali ah ayaa macaluul la il-daran, haddii aan deg deg loogu soo gurmanna dhimasho ayay qarka u saaranyihiin”.

Howlaha caynkaas ah ayay 30 sanadood ka badan ku caano maalayeen, mana muuqato tab iyo xeelad looga gudbi karo qorshahan bah-dilaadda xambaar oo astaanta saboolnimada mageceenna ku ladhay.

Waa run oo haddii ay dhibaato culuse inagu habsato waan u baahannahay garab istaag iyo gacan siin, balse ma aha inaanu abbaar iyo aaranba u hanqal taagno sandareerto iyo deeq yaroo dullinimo huwan, tabcashada iyo isku tashigana inaga hor istaagaysa.

Haddaba waxaa habboon inaanu dhammaanteen xoogga saarno sidii aanu maskaxdeenna iyo muruqeenna u maali lahayn, cuuryaanimada iyo cindi xumaanta maankeena  ku dahaaran oo wax-qabsiga noo diidanna aanu iska tirno oo isku tiirsanaan iyo tanaadnimo  u tafa-xaydanno.

W/Q: Abwaan Hareeri