Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maalgaliyo,isla markaana ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee guud ahaan dalka sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Qaranka maalinimadii Khamiista.

Turkiga ayaa qorsheynaya in uu sii wado maalgelinta iyo horumarinta warshadaha difaaca iyo cilmi-baarista,waxaana dhanka kale la tilmaamayaa in Turkiga uu dhaafiyay 2% bartilmaameedka kharashka difaaca ee NATO.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan ugu horrayn maalgelinno,isla markaana aan ballaarinno  nidaamka difaaca badda,dhulka iyo hawada dalkaasi” sidaasi waxaa lagu yiri  ilo-wareedo.

Qorshahaan waxaa ka mid ah maalgashiga nidaamyada gantaallada hypersonic, ballistic iyo sidoo kale diyaaradaha, maraakiibta dagaalka, taangiyada, iyo nidaamyada aan duuliyaha lahayn ee dhulka, badda iyo hawada.

Turkiye ayaa leh ciidanka labaad ee ugu weyn isbahaysiga NATO,waxayna sidoo kale kamid yihiin shanta ugu sarreysa ee gacan ka geysta hawlgallada isbaheysigaasi.