Turkiga oo qaar ka mid ah muwaadiniintiisa kala baxay Afgaanistaan

Ciidanka cirka ee Turkiga  ayaa soo daad-gureeyey 104 qof oo ka mid ah muwaadiniinta Turkiga ee ka hawlgelayey dalka Afgaanistaan,sidoo kale 100 qof ayaa maalinimadii jimcaha laga soo daad-gureeyey deegaamo ka mid ah caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul.

Dadaallada lagu daad-gureynayo muwaadiniinta Turkiga ah ee ka socda dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa weli ka socda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hamid Karzai, waxaana muwaadiniintan ay ciidammada ammaanka Turkiga ka soo badbaadiyeen deegaanad ku hareeraysan Kabul.

Awoodda lama filaanka ah ee ay ku qabsadeen kooxda Taalibaan dalka Afgaanistaan ayaa waxay dhalisay in si degdeg ah dalalku ugala baxaan shaqaalahooda ka hawl gelayey Afgaanistaan badi dalalka reer galbeedka ayaa la baxay muwaadiniintooda.