Turkiga ayaa ugu baaqay dalalka G-20 inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah isbedelka cimilada

Afhayeenka baarlamaanka Turkiga Mustafa Sentop ayaa so jeediyey in dalal G-20 masuuliyad dheeri ah iska saaraan xal u helista isbedelka cimilada, afhayeenka ayaa  shir jaraa’id oo uu ku qabtay Rome ku celceliyay in Baarlamaanka Turkiga uu horay u ansixiyay Heshiiskii Paris ee isbedelka Cimilada, wuxuu sheegay in dalalka wax badan ku biiriya wasakhda ay tahay inay qaadaan mas’uuliyado  dheeraad ah.

Marka la tixgeliyo mas’uuliyadaha waddammada ee la dagaallanka isbeddelka cimilada, waa in sidoo kale la tixgeliyaa awoodda dhaqaale, ayuu yiri Mr Sentop.