Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump oo ku jira lugtii u dambeysay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe ayaa sheegay in Dalka Imaaraadka Carabta uu $1.4 trillion ku maalgelin doono Mareykanka tobanka sano ee soo socda.
Heshiiskaasi maalgalinta ee lala galay Imaaraadka waxaa ku jira kuwo lagu hormarinaayo waaxda AI ,gaar ahaan adeegyada loo yaqaanno nidaamyada kombuyuutarada awoodda u leh inay qabtaan hawlaha sida caadiga ah u baahan garaadka aadanaha.
Waxaa kaloo heshiiska ganacsi kamid ah hub laga iibinaayo Imaaraadka,inkastoo ay jiraan koox katirsan senetarada Maraykanka oo isku dayaya inay joojiyaan hub laga iibinaayo Qadar iyo Imaaraadka.
Trump waxaa lagu wadaa in maanta uu ka ambaboxo Dalka Imaaraadka oo maalinimadii shalay uu soo gaaray kadib markii uu soo maray Sacuudiga iyo Qatar.