TPLF oo aqbashay Heshiis Xabbad joojin ah oo horey u diiday

Jeneraal Tsadkan Gebretensae, oo ah hoggaanka Militiriga ee TPLF, ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yahiin dhaqaqn galinta xabbadjoojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda ka taagan gobolkaas.

Tsadkan oo la hadlay wakaallada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haddana la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad joojin buuxda si lo gaaro xal nabadeed.

“Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan, haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arrinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu yiri Jen. Tsadkan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii ka dhacay gobalka Tigre, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF, waxuu intaa ku daray in ka bixitaankii magaalada Mekelle uu ahaa mid muddo la qorsheynayay oo tashi badan ay gelisay Xukuumadda.

TPLF ayaa horay ugu gacan sayrtay xabbad joojin dhinac ah oo ay ku dhawaaqday xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed kadib markii ay ciidamadeeda kala baxday Mekelle.