Dhibaato kasta xal bay yeelataa haddii la helo jawi wanaagsan, afgarad iyo dadyow u heelan in la gaaro waddada nabadda.
Waxaa mar kasta aad loo soo dhaweeyeeyaa markii xal laga gaaro shaqaaqad soo wajahday umadda iyo in uu yimaado welwel xasilooni darri ku timaada bulshada.
Ma aha wax sidaa u weyn waxayse u baahan tahay oo keliya in la isu yimaado oo laga wada hadlo wixii jiray isla markaana loo arko wax la wada xalin karo.
Ma jiro wax aan xal laga gaari Karin laakiin waxaa xun in la garan waayo xalka meel laga abbaaro iyadoo lagu jaho wareerayo hadallada kuwa qalqal abuurka ah ee baas abuurka ku sifoobay.
Waxaa jira kooxo ka faa’ideysta xaalad walba oo cirka sii galiya iyagoo ka leh dano gaar ah isla markaana aan daneyn danta ummadda iyo dalkooda balse keliya ay u caddahay wax iyaga si gaar ah ay uga faa’ideysanayaan.
Ogow ma jiro wax aan xal laga gaari Karin laakin waa marka lagu shaqeeyo fikir ummadeed oo ka tarjumaya dareenka waddaniyadeed ee loo baahan yahay in dalka iyo dadka lagu mideeyo.
Haddaba Caasamidda Muqdisho uma baahna kala firdhad, qax iyo barakac midna taa beddelkeeduna dadku waxay u baahan yihiin horumar, nabad iyo dadaal waddaniyadeed in lagu wada shaqeeeyo.
Soomaaliya waa Dalkan haatan mar labaad madaxa la soo kacaya inta yare e horumar ah ee uu gaarayna ciyaar kuma imaan ee wuxuu u soo maray dadaal dheer waxaana muuqata haatan rajo fiican oo hore loogu socon karo.
Dadaalka nabadeed ee soomaalidu mar walba gaarto wuxuu muujinayaa in weli soomaalida ay niyad u hayaan in laga waantoobo xumaanta loona soo jeesto nabadda.
Waddadii nabadda ayaa loo dhaqaaqay waana in hore loogu sii socdaa soo afjaridda argagixisada Burcadda ah ee maato leyska ah iyo kuwa la midka ah ee Ciyaal Weero isku magacaabay, si aan horumar u gaarno muqtaqbalka soo ifaya.
NB- waa in lagu taageeraa dowladda iyo shacabka mujaahidiinta ah ee la dagaalaya maleeshiyaadka kala duwan ee haatan raacdadooda lagu jiro.
WQ: Boodda Dheere