TOLOW XAGEEN SHEEKO KA BILLAABAA? (SHEEKO GAABAN

Haddeey Xaajo Joogtaa Wiil ayaa gabar soo gursaday, habeenkii u horreysay Aqal galkooda marki dadki ay ka kala tageen ayaa labadoodi isku so hareen, waxa bilaabatay iney kala xishoodaan, iyago weliba si saa’ida isku xiiseeynayo haddana meel ay wax ka billaabaan ayey garan waayeen.

Wiilkii ayaa go’ansaday inu salaad sunno ah iska tukado marki uu salaaddi ka baxay ayuu duceystay asagoo codka kor u qaadaayo saaxibtiisana maqashiinayo wuxuuna yiri “ ilaahoow xaaskeyga intaad aayar iisoo qaaddo dhabteyda iisoo saar” gabadhii oo ducada maqleysay ayaa intey so kacday tiri “ilaahoow xaggee ii waddaa ilaahoow xaggee ii waddaa” Sey uso socotay ayey dhabtiisa geb ku tiri Kuna fadhiisatay.

Markaasuu farxay oo yiri “Haa Ilaahoow saanaan rabay” Markaaseey Iyana tiri “Haa Haa Ilaahey aad buu kuu jecel yahay”.

XIKMADDU WAXAY KU JIRTA QOFKII ILAAHAY CAQLI GALIYO EE GARKA WEYN OO KALIYA KUMA JIRTO .. QIISO DHEX MARTAY NABI SALEMAAN CS IYO SHIMBIR IYO NIN GAR-WEYN

 

Maalin Maalmaha Ka Mida, Shimbir ayaa dul yimi Berkad Biyo ah,oo markaas dhalinyaro ka cabayso .. Shimbirki wuxuu naftiisa u sheegay in uu sugo inta ay dhalin-yaradaas ka tegayan Berkada, isago u baqay naftiisa in ay wax yelan sida awgedna uu sugo .. Shimbirki wuxu dul heehaababa way tageen, waxaase markiba bedelay, oo goobti Berkada yimi Nin Gar-weyn.

Shimbirkii waqti badan ayu sugayay, in loga darero Berkada si uu uga cabo. wuxu mar-dambe istusay in uu ka cabi-karo madama Wiilashii dhalinyarada ahaa tageen, oo ninkan Garka-weyni anu wax yelayn madama u yahay nin Garweyn-leh .. Shinbirkii wuu soo degay si uu uga cabo Biyaha.

Ninkii Garka-weyna wuxu ku turay dhagax,wuxuna kaga dhacay Isha .. Shimbirkii wuu dulay isgoo ishi balaq tahay, wuxuna u tegay Nebi Suleyman CS oo dacwadisi u soo bandhigay, dabadeed Nebigiina wuxuu amray in loo yeero Ninkii Garka-weyna .. Nebigii CS wuxu weydiyay ma adiga shimbirka wax yelay,oo dhagaxa ku dhuftay .. ninkii wuu qirtay in uu wax yeelay Shimbirka.

Shinbirkii wuxu yiri Nebi Allow Ninku wax ima yelin, lakiin Garkiisan weyn aya wax i yelay.

Sheekada murtideeda waxaa weeye, Haddii aad aragtid Nin weyn oo 60 jir ah amase ka si weyn, oo u bahan in wax lo sheego u sheeg .. hadii aad aragtid Wiil 15 jir ah oo haya arin macquul ah ka dhegayso kuna dhaqan taladiisa .. xikmadu waxay ku jirta,qofkii ilaahay geliyo ee la dono ee Garka weyn oo kaliya kuma jirto

Jiilkan maanta waxan uga digaya, in aan lagu dag-dagin hebel baa Gar-weyn, balse waxaa haboon inaan had iyo jeer xulano shakhsiyaad ku haboon duruufaha iyo xaalada jirta oo dhalinyaradu hormood u tahay

XAQUUQDA SHEEKADA: GOLDOGOB TIMES