TOBAN SANO KA DIB XAALKEENU SIDEE BUU NOQON DOONAA?

Gobolkan aynu ku nool nahay ee bariga Afrika toban sano ka dib wax weyn baa iska beddeli doona. 2033 tirada dadka reer Kenya waxay noqon doontaa 70 Malyuun, Ethiopia na tirada dadkeedu waxay noqon doontaa 150 Malyuun.

Haddii aan far waa weyn ku faahfaahiyo 10 sano ka dib 100ka qof ee Geeska Afrika ku nool 8 qof oo keli ah baa Soomaali noqon doona! 92ka kalena waxay noqon doonaan dad aan Soomaali ahayn.

Toban sano ka dib haddii aynu sidan aynu maanta u kala daadsanahay u sii kala daadsanaano oo aynaan midoobin, mushkiladaha dowladnimadeena hortaagan oo ay ugu horrayso Al shabaab-na aynaan soo afjarin, shaki badani igagama jiro in wax iska beddeli doonaan maabka iyo khariidadda bariga Afrika.

Xagga aminga iyo dhaqaalaha’ 2040 dunidu waxay noqon doontaa 9 bilyan oo qof, waxaana yaraan doona waxa la quudanayo, waxa suurtagal ah in la isku dilo cunto iyo biyo.

Dal baylah ah oo qani ah haddii uu sidan sii ahaado waa lagu soo duulayaa oo hubaal ah. Carruurteenuna ma heli doonaan meel ay ku noolaadaan weliba waxaaba suurtagal ah in ay is waayaan oo la’ hafiyo.

Qof kasta oo akhriyey barnaamijka cusub ee Neurolink ee lagu horumarinayo maskaxda wuxu arkayaa halka dunidu u socoto, dhowaan waad arkayseen daayeerkii ugu horreeyey ee lagu tijaabiyey barnaamijkaas isaga oo ciyaaraya game, cuntada uu rabana dalbanaya.

Gaas-tii iyo Batroolkii aynu boqolka sano waardiyaha ka ahayn ee soo saaristeeda isku haysanay 10 sano ka dib baahi weyn looma qabi doono, weliba toban sano gudahood nus ka mid ah baabuurta caalamku waxay ku shaqayn doonaan koronto.

Qofka la socda dhismaha magaalada Niyuum ee Gobolka Tabuk ee Sucuudi Areebiya wuxu hayaba wuu dhigayaa, waa magaalo mucjiso lagu tilmaami karo oo hal layn oo dhuuban ah oo dhererkeedu yahay 170km, ballaceeduna yahay 200 oo tallaabo oo keli ah, looguna talo galay in ay ku noolaadaan 9 malyuun oo qof, wax kastaana ay ku shaqaynayaan technology oo aanad xitaa baabuur ku dhex wadan karin ee adeegga aad rabto robots iyo baabuur iyagu is wada guriga kuugu keenayaan.

10 sano kaddib hubku wuu is beddeli doonaa, waxa laga guuri doonaa qoriga AK- ga ah iyo baabuurkan yar ee dashiikuhu saaran yahay, waxaana goobaha dagaalka ku hardami doona askar robots ah iyo diyaarado Drones ah. Askariga robot ka ahi wuxu ka samaysan yahay bir mana dhimanayo waxana hagaya sensor iyo GPS. Toban sano kaddib askariga haysta dowlad xoog ah, dad midaysan iyo aqoon uun baa guulaysan doona. Waxa la isku dilayaana ma noqon doono tamar iyo shiidaal ee wuxu noqon doonaa cunto iyo biyo.

Dunida halkaa maraysa dad-keenu weli waxa ay isu wada haystaan jufooyin iyo qabiillo, waxaanay u kala qaybsan yihiin afkaaro iyo state-yo, waxaanay iska aaminsan yihiin in aanay waxba ka xumayn, laakiin dunidu waxay inoo taqaan ummad yar oo sabool ah oo ku nool geeska ugu dambeeya ee Afrika oo sanad walba abaari ku dhacdo oo la’ caawiyo, maatadoodiina ay ku dayacan tahay dal kasta oo adduunka kamid ah. Waxaana hadda laga tashanayaa in la ina sii caawiyo.

Haddii aan 1990kii qori lahaa maqaal ah Soomaaliya waxa ku soo socda dowlad la’aan ee aan ka hortagno dad badan ayaa ii arki lahaa qof iska hadlaya oo weliba belo sheeg ah, waana sax oo weligeed lama arag qaran dumay, sababta oo ah boqolaal sano culumada siyaasaddu “political scientists” waxay aaminsanaayeen in ay yar tahay fursadda qaran ku dumi karaa.

Waxay aaminsanaayeen maamul, boqortooyo iyo rajiim uun baa dumi kara laakiin qaran dhan in uu dumo aad suurtagal uma aha, waa runtood oo way adkayd in la sawiran karo in sidii qudhac jabay uu qaran dhami u liico.

Laakiin 1991 kii caalamka waxa aynu u horseednay in aan noqonay dalkii ugu horreeyey ee dunidan casriga ah uu ku dhacay dowlad la’aan “state failure”. Hadda state failure wuxu noqday wax la aqbalay oo dhacay, dal walbana ku dhici kara.

10 dal oo qaarkood qani yihiin sida Libya ayaa dumay, Suudaan oo hormuud u ahayd waddamada Afrika ugu aqoon roon ayaaba ugu dambaysay.

33 sano ayaa ka soo wareegtay qaran-jabkeenii, laakiin haddii aynaan qaadin tallaabooyin degdeg ah waxa aynu mar kale dunida bari doonaa cashar cusub oo masiibo ah oo la yidhaahdo “failed nation” oo ah ummaddii duntay ee dunida korkeeda laga waayey qarnigii 21aad”

 

Maanta: Jiritaankeenu halis weyn buu ku jiraa. Waxad mooddaa in halkii dadkeenu isaga soo dhowaan lahaayeen dab la sii kala dhex dhigayo. Degmo degmo iyo tuulo tuulo ayaa loo sii degayaa, qabyaaladduna waxay maraysaa halkii ugu derejo hoosaysay ee ay weligeed gaadho, carruurtii baa ku hadaaqaysa weynaanta iyo burjiga jufadooda hoose.

Laakiin mushkiladda waxan oo dhan u ah aabbe iyo hooyo ee jiritaankeena halista ku ahi waa al Shabaab. Shabaabku waxay noqdeen ma liibaanayaal cadawgeenu ku liibaanay, waxay noqdeen “useful idiots”, waxay shisheeyaha u hayaan shaqo weyn oo ah burburinta dalkeena iyaga oo isu maleeya in ay ku socdaan jid fiican, mana ku socdaan jid fiican.

Waxay la dagaalamayaan dowladnimadeena iyaga oo og in aan cidina dowlad u aqoonsanayn. Aqoonsiga dowladnimo waa jiritaanka nolosha, wax kasta oo adduunka ka socdaa waxay ku socdaan sharci iyo qaynuun caalami ah oo ummaduhu isku wada raaceen in ay ku wada noolaadaan, kuna kala nabad galaan; arrimaha ku shaqeeya qaynuunka caalamiga ah ee aan iskood u shaqayn karin sharci la’aan

waxa kamid ah ganacsiga, isgaadhsiinta, xawaaladaha, diyaaradaha, maraakiibta, hawada, shiidaalka, cuntada, bangiyada, gargaarka, daawada iyo wax kasta oo kaaga yimaadda meel xuduuddaada ka baxsan. Dalkeena wax kasta oo yaalla inta ugu badan waxay laga keenaa dalka dibaddiisa.

Shabaab way ogyihiin in haddii ay yidhaahdaan waxbaan xukumaynaa dunidu xidhan doonto badda, cirka iyo dhulka, kaddibna la waayi doono hal foosto oo shiidaal ah, kaddibna 7 maalmood gudahood koronto la waayayo, Internet la waayayo, cunto la waayayo, kaddibna wax kastaa istaagayaan, dadkuna marka ay gaajoodaan iyaga ku soo qamaamayaan oo nafahooda googoosanaayaan. Iyaga oo intaas oo dhan og haddana waxay rabaan in dalku aanu dowlad yeelan. Iyaga laftooda ayaa u baahan in naftoodana la badbaadiyo’ dalkana laga badbaadiyo.

Haddii dagaalka Shabaab loo midoobi waayo oo dowladnimada la is barbar taagi waayo oo hal saf la noqon waayo, haddii fashil yimaaddo masuuliyaddiisa waxa qaadaya qof kasta oo muwaadin ah oo ay ugu horreeyaan intayada maanta xilka iyo masuuliyadda haysa muxaafid iyo mucaarad ba.

Waxan tahniyad iyo salaan u hibaynayaa ciidamadeena habeen iyo maalin dagaalka kula jira cadawga ee ugu galay god kasta oo ay ku dhuumanayeen iyo dhirtii hawdka ee ay ku hoos jireen. Dhurwaaga haddii aanad ugu gelin dhirta hoosteeda iyo meelaha uu ku dhuumanayo dhashiisa ma soo qaban kartid.

Guuleysta baan leeyahay geeshkayagow, laakiin waxan tebeyaa doorkii gaashaan qaadka magaalooyinka jooga iyo dhalinyarada ku howlan shaqooyinka iyo jaamacadaha, dhalinyaro badani dagaalka ka socda dalka waxa ay u haystaan wax ka fog. Waxan leeyahay dal jacaylku maaha niyaddaada oo fiican ee waa naf hurka aad u samayso dalkaaga.

Ugu dambayn: Waa in aan dowladnimada iyo dhismaheeda is barbar taagnaa oo laga gudbo hebel fashili, maaddaama ay hadda soo muuqatay cabsi wax kasta ka weyn. Dhammaanteen waxa aynu noqonnay “local” ama heer tuulo ee waa in aan ku noqono in aan u fekerno heer qaran.

Sidoo kale dagaalka shabaabka waa in aan u aragno guul ama geeri, iyaga laftoodana runta loo sheego in haddii ay sii wadaan fawdada Soomaali oo dhan la waayayo. Way ogyihiin xaaladda faqriga iyo amni xumada ee ay dadkii Soomaaliyeed badeen oo iyaga ayaabay saamaysay, maantana waa kuwaa tahriibaya carruurtii ay dhaleen madaxda ugu sarraysa Al shabaab ee Costa Rica iyo Latin Ameerika lagu soo qab qabanayo iyaga oo nolol raadis ah.

Bal eeg ummadaha kale ee adduunku farxadda, nabadda, xorriyadda iyo dowladnimada ay haystaan, waynu noqon karnaa sidaas oo kale.

Laakiin haddii aynaan beddelin hab fikirkeena, qarankana badbaadadiisa iyo midnimadiisa isu taagin, xaalkeenuna ku sii socdo jidkan qaraxa iyo qoriga, bal hal daqiiqo indhaha isku qabo oo is weydii; 10 sano kaddib halkee ayaynu joogi doonaa? Muwaadinka Soomaaliyeed na xaalkiisu muxuu noqon doonaa?

WQ: Senator Cismaan Dubbe