Ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kacdoonka shacabka ee macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin ay khawaarijtu ku lahaayeen degaanka Ceel-dheere oo qiyaastii 8-km u jirta magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa lagu gaaray guulo la taaban karo, iyadoo la xaqiijiyay in laga dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan khawaarijta.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah dedaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, waxaanu muujinayaa kartida iyo feejignaanta ciidanka xoogga dalka iyo shacabka deegaanka ee garabkooda ah.
Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi, ayaa weli ku sugan furimaha hore ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka hoggaaminayaan abaabulka iyo qorsheynta howlgallada lagu xoreynayo guud ahaan deegaannada ay khawaarijtu kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabeelle.