Markuu arkay in ay gambarkeedii soo sidato, ayuu intuu Cumareey oo ku soo laabtay sacabka garabka ka saaray barkinta hoosteedana nus shilin ka soo bixiyey ku yiri, “Haye abbaa, Cumareey, jallaataan rabaa ma i dheheeno? Bax nuskaan shilin khaadee, jallaato ku soo gado. Koodka jallaata ka soo gado, yaa igaarkeey? Bax hee. Iska jir yaah! Soco hee!”
Markuu rakadii aabbihii ka booday ayay hooyadiisna u raacisay, “Nabarkii soo nakhatid walaashaada ii khubeey dheh yaah?”
Markii Cumareey jallaatadiisii ku orday, Ay- Caddeyna intay qaxwihii u dhigtay, albaabkii riixday, si aan hadalkooda carruurtu u maqlin, fadhi u kaankaansanayso, ayuu Xaaji Muumin yiri, “Caddeey haye, ii warran hee! Maxaa waaye waaba soo daahdaye, intee ku makhnayd?”
“Ee suukhdaan ku maqnaay. Lo’ooshinka aan coos u soo iibihaayey. Waaba ku soo noogay. Lugaha dhanaaba i xanuunowhaaya. Aaa!”
“Iihi, ii waran hee, hadda see waaye xaalkaada?”
“Wallaahi hadda in oo kula hadlana waa rebey, adna waaba i weceesee, baraabar waayebee, waxaanba iska arkay, ad wax ma ogtid, waa imaaheesaa waa baxee lee, wax ma na warsaheesid, ma kastay?”
“Laakiin waxaan u jeedaa, lamadaani beri lamadaani beri ma ahee waliba ka sii badan, gebertaayna Maana-Faay, aad iyo aad aniga xaalkeeda murugaas i geliyey. Minanka waa ka soo daaheesaa. Iihi. Cawadii ma kuu hurdeeso, hungurigii ma kuu cuneeso. Iihi, gabartii waa kuu murugeysan tahay lee. Wax ma kuu sheegaheeso. Haddii warsado, maxaa ku daaray dhoho, warkeyga waaba dhibaa. Dhirifaa ka soo haray. Wax kasta waa ka dhirfeey.”
“Iihi, adina waa u jeeddaa gabartaan sidii nakhatay. Muggoo ani waa ku dhibtooday. Haddii macallin u qaba leeheed, haddii takhtar u gee leheed, haddii wax kale ku suubi leheed, adigay ku jirtaa.”
Xaajigu inkastoo uusan gabadha xaalkeeda ula socon sida hooyadeed ula socoto, habartuna ku dadaali jirtay in ay gabadheeda u ceeb qariso, haddana wuu la socday isbeddelka Maana-Faay ku dhacay, waayo, ma ahayn wax qarsoomi kara. Arrintaasina waxay ku haysay walwal xoog leh. Sidaas awgeed, wuxuu go’aan degdeg ah la soo gaaray walaalkii Aw-Mukhtaar. Waana sababta uu galabtaas Ay-Caddeey ugu yeeray.
Intuu qaxwihii kululaa qab siiyey, ayuu isagoo koobkii dhulka u sii wada wuxuu yiri, “Caddeey, runtaada waaye, gabartaan xaalkeeda ma fiicna, taladana annakay na jirtaa, annakaa waalidiintii eh. Ani naftirkeyga in hadal kuu sheego waa rebey. Maanta waxaa i soo khabsaday walaalkeyga Aw- Mukhtaar.
Waxaas i dhahay ‘Eebbowgey i dhegeyso. Yarkii waa i dhibay, Abuukar. Cawadii siyeed saac, sagaal saac, markiin fejerka u baxo aas iga hor imaahaa. Wareeg lee. Sagaal saac cawo ninkii socday khatar ma ku sugnoo? Maana-Faay naftirkeeda waa weynaatay.
Aweesna waa imaaday. Hadda waxaan rabaa in iskool-xirow waxba la sugin, dadkaan arooskoodii Jimcadaan laga dhigo, oona eh bil Mowliid 14.’ Waxaan dhahay marxabba. Barbaar waaye, anina habartaan u sii sheegaa, ee ogow. Maxaa jiraa Caddeey gabartaan waa weynaatay. In dhakhso loogu aroosiyo maahine si kale ma ku degeyso.
Macallinna ma degeeso, takhtarna ma ku degeeso, wax kalena ma ku degeeso. Hadda xaalkaas aan soo dhammeesannay, baraabar ma ahoo Caddeey?”
Intay soo ruqaansatay, codkeedii miskiinka ahaana quwad dahsoonayd ku dallacday bay tiri, “Haah! Waaba soo dhammeesateenba miyaa? Ma soo dhammeesateenbo?”
“Mayee waa soo dhammeesannay. Maxaa jiraa adina waa kuu sheegoohaayaa,” ayuu si gabbasho ku jirto u yiri, isagoo u eg nin looga naxsaday ka hor-
imaad kadis ah. Hadduu ku tala geli lahaa wuxuu sii diyaarsan lahaa erayo uu isku difaaco.
“Waxaa soo dhammeesan kartiin ma jirto,” Caddeey baa tiri, “Xaal dhammaadayna ma ii keeni kartiin. Wax ma ii sheegeesid, wax ma i warsaheesid. Wax lee soo dhammeesaheesaa miyaa?”
Isagoo weli is-qaboojinaya si ayan mashruuciisa carqaladi uga hor imaan, ayuu yiri, “Laakiin adi hadda maa kuu kow eh, Soonfurtii ani ma kuu sheeginoo in afarta carruur walaalaha eh la is- dhaafiyo oo la isu aroosiyo?”
“Markaas naftirkeeda wax adi iyooney walaalkaada soo dhammeesateen lee ii sheegtay mooshi maahine, ani taladay ma aheen.”
“Hadda xaalkaan waa dhammaaday. Anina khoolkeeyga waa baxay, khoolkeeyga ma soo nakhsahaayo. Adina rabsha naga dhaaf Caddeey!”
“Geberteyda igaarkaas ma lagu daraayo, minankaasna ma la geehaayo. Geberteyda meel xun ma la gelihaayo. Walaalkaada naag xun aas khabaa. Soonto an waa akhaan, afkeeda hanuunaas dheer yahay. Balaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteyda ma aha. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow aa lagu daraa. Koo kaloo lagu daraayo ma leh.”
Xaaji Muumin intuu markiisa kululaaday buu si xanaaq ah u yiri, isagoo xaaskiisa indho kuukuusan ku fiiqaya, “Haah! Caddeey illaa, ani lillaahi aan kugu wadey, adna lakhdabaad igu wadey. Inaad taladeyda ku jirin oo adi gaar u tashaheesid, an waa ogaaday Caddeey. Berigaan ogaaday. Berigaan ogaaday.”
“Abidkaada ogaaw maahine waligaada ogaaw.” Xaaji Muumin intuu istaagay, tusbixiisiina hore u qaatay buu si kulul u yiri, “I makhal Caddeey! Ani adoogiiyaan ahay, ani wudin dhoho aa yeelaysaa, maahine koo kale ma jiro.
Maana-Faay, Abuukar Aw-Mukhtaar aa lagu daraa. War badan ma rabo. Hadal dambena ma igu soo nakhi kartid!” Waana dhaqaaqay isagoo xammaysan.
“Waa kugu soo nakhaa, waana kuu sheegaa,” Ay- Caddeey baa ka daba qaylisay. “Nidar aan ku maray, saddexdeeydaa saaran, waa i fureysaa maahine, Maana-Faay nin aan Jiilaani Xaaji Macow aheen oo lagu daraayo ma jiro!”
Intay markeeda istaagtay bay gurigii ku dhaqaajisay, iyadoo xiimaysa, xooggeediina laba jibbaarmay. Alaabooyin bay kala tuurtuurtay. Ilmihii bay ku qaylqaylisay, qaarkoodna u gacan qaadday.
Armaajadii bay huruuftay. Alaabna kala baxday. Ugu dambaystiina intay shukadeedii hore u qaadatay bay iska dhaqaaqday, iyadoo hoos ka guryamaysa.
Ay-Caddeey sideeda qof dhib badan ma aha. Mar dhif ah ayey dhacdaa in khilaaf dhexmaro iyada iyo ninkeeda.
Hase yeeshee, guurka Maana-Faay, baa wuxuu yahay arrin xasaasi ah. Waa arrin muddo badan laga dhur sugaayey, loo wada hanqal taagayey; qofba si u qorsheysanaayey.
Xaaji Muumin markii u horreysay ee uu arrintaan xaaskiisa la socodsiiyey, Ay-Caddeey diidmo cad uma muujin, umana riyaaqin. Inkastoo uu ka maqlay erayo aan badnayn oo ay ku durayso Iikar iyo hooyadii Soonto, haddana waxay ula ekaatay qof aan mashruuca hor taagnayn.
Dhinaca bixinta Maana way ka biya diidsan tahay, laakiin, dhanka aroosinta Aweys way ku faraxsan tahay. Waa arrin ay in badan ku riyoonaysey. Jiijana qof xun ma aha. Hase yeeshee, Ay-Caddeey markay ciddooda war gelisay, ayay haweenku ku soo guubaabiyeen “gabadhaasi yay innaga na dhaafin.
Aweysna annagaa gabar fiican u hayna.” Maana waa qof qaali ah oo loo wada han weyn yahay. Abtiyaasheed iyo adeerradeed qolaba dhankeeday ka dhawranaysey.