TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 47-AAD)

Balwaddiisa ugu weyn waa kala shaandhaynta gabdhaha iyo wad-wadiddooda. Harqaanka uu tolo iyo caweyska uu tagaaba waxay u fududeeyaan barashada gabdho fara badan.

Waana sababta keentay in uu labadaba xiisa joogto ah u hayo. Aabbihii Aw-Mukhtaar in badan buu isku dayey in uu iska hortaago habla-wadidda badan iyo caweyska uu habeenkii ku soo daahayo.

Arrintaasi welwel weyn bay ku haysay. Wuxuu u arkaayey balwado khatar ku ah lacagtiisa iyo wiilkiisaba. Hase yeeshee, wax kastoo uu isku dayey wuu ku guuleysan waayey in uu ka reebo.

Waa markaas marka uu ku fekeray in uu degdeg ugu guuriyo.

Iikar markii odaygu u sheegay in Maana-Faay loo guurinayo, kuma farxin, kamana nixin. Wax dhadhan ah, kharaar iyo macaan midna lama lahayn. Waxay ula muuqatay arrin ka mid ah awaamirtii waalidku siin jiray, isaguna waajib ahaanta u fulin jiray.

Laakiin, sidii warkaas loogu sheegay wuxuu dareemay culays aan caadi ahayn. Xornimadiisii way soo xirxirantay. Gabdhihii uu siduu rabo beledka ula mari jiray, wuxuu ku khasbanaaday in uu suuqa madow u beddelo.

Maana-Faay, warkaan ka hor wuxuu ula dhaqmi jiray sida uu ula dhaqmo walaashiis Jiija. Kaftan, ciyaar, canaan, ka sheexid la’aan, iyo wixi la mid ah. Haddase xiriirkiisii wuu ka goostay.

Markay iska hor yimaadaanna wuxuu u salaamaa sidii dad korka iska yaqaan, xishoodna ka dhexeeyo ee kala laab xiran.

Casarkii marka hurdada laga kaco iyo caweysinkii marka hurdada loo hogbado, hawluhuna dhammaadaan, waa labada waqti ee Xaaji Muumin iyo xaaskiisa, Ay-Caddeey, ka wada xaajoodaan arrimaha qoyska kuwa ugu culus.

Xaajigu markuu Casarkii tukaday, ma kicine, intuu barkin u dhaweyd xusul ku mutay buu halkiisii wardi ka bilaabay. Wuxuu ku sugayaa Ay-Caddeey iyo qaxwihii casariyaha ee ay markaas oo kale u keeni jirtay.

Wuxuu ku fadhiyaa salligii uu ku tukaday oo ay ka hoosayso darin duug ah ee la moodo in lagu jaan- gooyey rakada ay dul saaran tahay.

Waa rako gaar ahaaneed oo nus mitir dhulka ka sarraysa, darbigana cirifka ku hayso. Waxaa loo dhisay in odaygu ku caweeyo, cid kalana ma isticmaali karto.

Meeshu waa barsaddii fadhiga ee u furnayd qolka jiifka. Waa qawlad ballaaran oo gidaarradeeda fac weyni ka muuqdo. Waxaa si aan habaysnayn u dhex taal alaab gabowday ee casrigeedii laga gudbay.

Tobannaan sano lama beddelin. Geeska irridka xiga waxaa ka muuqda laba kursi oo fadhigoodu xargo yahay, barkimooyinkii loogu talo galayna ka qaawan. Midkood waxaa dul xooran shaar-carruureed iyo garbasaar duug ah. Kan kalena shukumaan yar baa

madaxa u saaran. Dhanka bidixda waxaa ka muuqata armaajo gaaban oo guduudan. Muraayaddeeda waxaa ka dhex muuqda bakeeriyaal aan badnayn iyo suxuun yaryar.

Intaas waxaa dheer miiskii hore cuntada loogu talo galay oo kuraastiisii moobilka ahayd ay uga hareen hal lug jaban iyo mid fayow.

Gidaarrada waxaa suran dhowr sawir oo midba meel ka muuqdo. Xaaji Muumin oo koofiyad Barawaani ah gashan. Isaga iyo Ay-Caddeey oo sida ay hadda yihiin aad uga dhallinyar. Maana-Faay oo la midabeeyey.

Iyada oo Cumareey gacanta haysa. Qoyska oo aan qof ka maqnayn. Aweys oo muraayad weyn ku jira. Isaga oo yar oo kubbad cayaaraya. Leyla iyo Iisha oo is-dhinac taagan. Maana-Faay iyo gabar kale oo dhir cagaaran ku dhex jira. Iyo dhowr sawir oo ay ka muuqdaan dad aan qoyska ahayn.

Malaha waa asxaab iyo ehelo kale. Barsaddu waa saldhigga nolosha qoys ahaaneed. Waa meesha keli ah ee kulmisa waalidka, carruurta, yaryar iyo waaweynba iyo sokeeyaha kale ee booqashada ugu yimaada.

Barsadda iyo qolkeeda jiifka waalidka waxaa dibedda ka ah laba qol oo ilmaha waaweyn seexdaan. Jikadu waxay ku taal qol fidsan oo qudhiisa darmo iyo wambaro la dhigto.

Waxaa orod ku soo galay Cumareey oo bannaanka ka yimid, korkiisa habaas baa ka muuqda, dabagaabkii iyo funaanaddii uu qabayna way ka soo wasakhoobeen. Intuu rakadii odayga kalsooni ugu

booday buu aabbihii hoosta ka galay. Xaajigu intuu wardigii hakiyey, ee wiiikiisii madaxa u salaaxay buu yiri, “Haye igaarkeey! Intee ka imaatay?”

“Abbaa, bannaankaa ka imaaday.” “Haye, maxaa suubbiheysey?”

“Waa soo dheedheelaayey lee. Abbaa jallaataa habaa.”

“Iihi, habartaada ma joogtaa?” “Waa joogtaa.”

“Bax hee ii soo wac.”

Cumareey markuu rakadii orod uga booday baa waxaa ka hor timid hooyadii Ay-Caddeey oo gacanta midig ku sidda koobkii casariyaha ee ay duqeeda ugu soo samaysay sida gaarka ah ee uu isagu jecel yahay, bidixdana waxay ku sidataa gambar ay ugu tala gashay in ay ku fariisato Xaajiga agtiisa.

Waxay maskaxda ku haysatay dhawr arrimood oo ay galabtaas ku talo gashay, qaarkood in ay Xaajiga warbixin ahaan ula socodsiiso, qaarna ku guubaabiso inuu wax ka qabto. Hal arrin baase ugu sii darrayd oo tallaabo degdeg ah u baahnayd.

Isaga qudhiisa waxaa jirtay arrin beryahaanba walwal iyo walaac weyn ku haysay, uuna ku tashanaa inay galabtaas isaga iyo afadiisu isla meel dhigaan, tallaabo iyadoon ogeyn uu qaadayna la socodsiiyo.

Markuu arkay in ay gambarkeedii soo sidato, ayuu intuu Cumareey oo ku soo laabtay sacabka garabka ka saaray barkinta hoosteedana nus shilin ka soo bixiyey ku yiri, “Haye abbaa, Cumareey, jallaataan rabaa ma i dheheeno? Bax nuskaan shilin khaadee, jallaato ku soo gado. Koodka jallaata ka soo gado, yaa igaarkeey? Bax hee. Iska jir yaah! Soco hee!”

Markuu rakadii aabbihii ka booday ayay hooyadiisna u raacisay, “Nabarkii soo nakhatid walaashaada ii khubeey dheh yaah?”

Markii Cumareey jallaatadiisii ku orday, Ay- Caddeyna intay qaxwihii u dhigtay, albaabkii riixday, si aan hadalkooda carruurtu u maqlin, fadhi u kaankaansanayso, ayuu Xaaji Muumin yiri, “Caddeey haye, ii warran hee! Maxaa waaye waaba soo daahdaye, intee ku makhnayd?”

“Ee suukhdaan ku maqnaay. Lo’ooshinka aan coos u soo iibihaayey. Waaba ku soo noogay. Lugaha dhanaaba i xanuunowhaaya. Aaa!”

“Iihi, ii waran hee, hadda see waaye xaalkaada?”