TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 45-AAD).

Axmed wuu gartay. “Maxay tahayda” aabbihii inay su’aalo badan huwan tahay, wuxuuse ugu soo gaabiyey, “Waa ardayad dugsiga sare dhigata.”

“Dadkooda ma taqaan?” Su’aashaas dadban buu ku celiyey, isagoo qudhiisu ka cabsi qabay, in wiilkiisu dhibsado, hadduu toos u weydiiyo su’aasha uu doonayo.

Axmed oo ay u caddayd jawaabta aabbihii ka doonayo, hase yeeshee, weli ka meermeerayaa yiri, “Maya aabbe, ciddooda weli isma aannaan baran.”

“Ma gabar aadan weli dadkooda aqoon baad rabtaa inaad guursatid?” Jaamac baa cod intii hore ka kulul, ee canaani ka dhadhamayso ku weydiiyey.

“Maya aabbe, wax go’aan ah weli kama gaarin. Go’aanka guurku adiga uun buu kugu xiran yahay. Cid kale go’aan ma ka gaari karto. Xitaa iyada weli guur lama soo hadal qaadin.”

“Oo haddaadan guurba la soo hadal qaadin maxaad isu sheegi jirteen? Maxaadse ka og tahay in ay ku oggoshahay iyo in kale, ma quud aan jirin qoryo u guraa?”

“Waxaan ogahay in ay i jeceshahay. Waxna iga diidi mayso haddaan iraahdo aan is-guursanno.”

Intuu isu qoslay buu cod kajan huwan ku yiri, “Inay i jeceshahay, in ay i jeceshahay. Bal ninkaas weyni, wuxuu ku hadlaayo! Waxaagoo dhammi waa dhalanteedkaas. Markaasaad leedahay xil baan qaadi karayaa; anigaa qof la imaanaya! Naag aadan dadkeeda aqoon, oo waxay tahay ogeyn, Soomaali Maxamed nin ay caawa Alla ka tahay sheegi karin, oo aan wax heshiis ahi idin dhex marin, baad hadda is-leedahay qof baad haysataa. Waxaasi ma wax lala shir yimaadaa?”

Axmed in yar buu feker la aamusay. Haahaw hana imtixaanin. Canaantaas oo dhan waxay iigu dhacaysaa maad dadkeeda iyo qoladeeda soo ogaatid! Bal maxaa faduushaas i geliyey? Ma iyadaan guursanayaa, mise dadkeeda! Si fiican baan u bartay, si fiican bay ii baratay.

Waan ka helay, way iga heshay. Waan jecelahay, wey i jeceshahay. Intaas oo dhan haddaan ogahay maxaa ii dhiman? Bal waa kane yaa aabbahay noo kala tarjumaana, ee intaas keliya ka dhaadhiciya? Anigu in aan ka dhaadhiciyo warkeeda daaye xitaa uma sheegi karo.

Intaas hortiisa kama oran karo! Intuu madaxa kor u qaaday buu yiri, isagoo gidaarka fiirinaya, laakiin aan waxba arkayn, “Aabbe horta arrintaan ma ahayn tii aan maanta kuugu imid. Arrintaan mar dhan baan rabay in aan kuula imaado, markaan dhankayga ka soo diyaargaroobo. Haddana maadaama sheekadu nala gashay uun

baan rabay in aan ku sii ogeysiiyo in qoftaasi jirto qof aan ku kalsoonahay haddaysan ahaynna kuuma sheegeen. Adiga naftaada, waa qof aan hubo in aad ila jeclaysan doontid markaad aragtid, xagga quruxda iyo xagga qiimaheeda kaleba.”

Intuu yare aamusay, buu si deggan u weydiiyey, sidii nin soo dabcay, “Aabbaheed iyo hooyadeed ma joogaan?”

“Haah, way joogaan.”

“Aabbaheed muxuu ka shaqeeyaa?” “Waa beec-mushtar aan weyneyn.” “Magaci?”

“Xaaji Muumin baa la yiraahdaa.” “Xaafaddee deggan yihiin?” “Xamar Weyne.”

“Gurigooda ma tagtid miyaa?”

“Waan tegi lahaa, waalidkana mar horaan is-baran lahayne, waa dadka dhaqankoodu xirxiran yahay, oo

fadeexadda u yaqaan haddii gabadhu nin aan lagu darin barato.”

“Waa runtoode waa edeb darro,” Jaamac baa yiri.

Tixanaha sheekada Maano Faay (qeybta 46-aad)

Axmedna wuxuu jeclaystay in uu ra’yigaas gaashaanka ku dhufto, kumase dhiirrane, hadalkiisii horuu iska watay, sidii isagoon oraahdaan dambe maqlin, ama wax ka qabin. Wuxuu yiri, “Marka loo tagayaa waxay noqon kartaa oo keliya mar loogu socdo weydiinta gabadha guurkeeda. Dadka u tagayaana waa in ay noqdaan ikhyaar waaweyn.”

“Waxaad yeelaysaa,” Jaamac baa soo gabagabeeyey, “Bal gabadha nasoo tus, oo guriga keen. Markaas kaddib arrimahooda kale anaa ka sal gaari doonee. Hadday qof wanaagsan noqotana aabbaheed dan baan u heli doonaaye.” Intuu yare aamusay, sidii isagoo weli hadalka dhammaystirkiisii raadinaya, ayuu intuu si kedis ah u soo eegay ku yiri, “Kow, maxay ahayd arrinta kaloo aad iigu timid?”

“Maya aabbe, wax saas u sii weynna ma ahee, arrin yar oo lacag la’aan igu heshay baa meel iiga xayirantay.”

“Goor aad lacag la’aan ka bixi doontid ma garanaayo,” ayuu hoos u yiri, isagoo boorsadiisii lacagta soo bixinaaya.

Axmed markuu isagoo faraxsan jaranjarta ka degay, baa ugu horreysay dareen uu dareemo dhididka korkiisa qooyey. Inkastoo uu weli madaxa culays ka dareemayey, haddana wuxuu ku faraxsanaa imtixaankii kululaa ee uu ka soo samata baxay iyo muraadkii uu meesha u yimid oo uu ku soo guuleystay.

Maana-Faay weli sariirteedii bay dul xooran tahay. Dharkii dugsiga weli iskama beddelin. Sidii buu surweelkii kaakiga ahaa bowdyaha uga ceejinayaa. Shaatigii caddaa ee gacmo-gaabka ahaana xabadka uga cadaadinayaa.

Sidii bay weli labadeedii lugood, mid kabteedii wadataa sariirta u dul xooran tahay. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna uga lulataa. Hooyadeed Aay-Caddeey, markay qadadii ku diidday, si qallafsanna ugu jawaabtay, waataas ka quusatay ee carruurteedii kale qadadii u qaybinaysa.

Beryihii hore sahalkaas ugama quusan jirin, sidaas ugama tegi jirin. Kulayl iyo qabow bay midba mar ku dayi jirtay. Hadda way ku daashay. Way ku seexatay, kuna soo toostay inaan Maana Maanadeedii ahayn. Way ogaatay in aan arrintu fududeyn. Mase ogaan meesha amarku ka socdo. Waxay ku ahayd hal-xiraale qallafsan oo aan la furi karin.

Shan bilood ayaa ka soo wareegtay, habeenkii u horreysay ee ay Maana-Faay iyo Axmed Jaamac ku kulmeen guriga Sahra Yuusuf. Shantaas bilood Maana-Faay waxaa ku dhacay isbeddel halis ah oo gilgilay tiirarkii nolosheeda. Dadkii aqoon jiray way

amankaagsan yihiin. Iyada qudheedu way iska yaabban tahay. Meel laga soo galay iyo meel loo wato midna kama jawaabi karto. Jacayl xoog badan baa iyadoon iska jirin, qalbigeeda daaqad furan ka soo galay. Ka dibna tartiib tartiib ugu maja fidsaday.

Meel kasta iyo mar kasta muuqaalkii Axmed baa hor taagan. Eegmadiisii bay xasuusanaysaa. Erayadiisii bay gocanaysaa. Codkiisii bay maqlaysaa. Markaasay hiyi kacaysaa, ee wax kaleba hilmaamaysaa. Iyadoo ay dad kale sheeko u hayaan buu ku soo dhacayaa, markaasay baxaysaa, sheekadii loo hayey ka goosanaysaa, maqane-jooga noqonaysaa, dadkuna la yaabayaan.

Iyadoo cunto u fadhiduu hor imaanayaa, markaasay cuntada ka kacaysaa, iyadoon is ogeyn. Dareenkii gaajadu waa ka dhumay. Cuntadii way nacday. Baahida waxay dareentaa oo keliya marka ay isaga la joogto. Hurdadii way ku yaraatay. Markay sariirta kortaba sawirkiisaa hor imaanaya, ama arrimihii ka dhexeeyey baa maskaxdeeda mashquulinaya.

Saacadaha habeenku markay hore u bataan bay laamandooddaa. Markaa qudheeda kama nasatee riyay ku aragtaa.

Sida badan waa riyo argagixiso leh oo hurdada ka toosisa, ka dibna ku laaban kari weydo: iyadoo dugsi ka timid oo aragtay meel shil baabuur ka dhacay oo lagu xoonsan yahay. Markay ku soo oroddana dad barooranaya oo madaxa gacmaha ku hayaa ka hor yimaadaan.