Maana taladaas way qaadatay. Aad bay ugu riyaaqday. Hortiiba wax ku dhiirrigeliya uun bay la’ayd.
Rajo fiican baa gashay. Niyaddeedii nolol baa ku soo yara noqotay. Talo kale ma jirto. Waa in ay isla berrito subax Cagaaran isula dhuuntaan. Kaddib wixii dhacaayaaba ha dhaceen.
Axmed sidaasuu ku talin doonaa. Maana rajadaasay habeenkii oo dhan iskumaaweelinaysey Waaberigana dherarsanaysay.
Diiq baa dhawaaqay Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay Ka baxshaa ba’ay.
Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday digaag aleeggadaya Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya Dhallaan ooyaya Dumar aamusinaya iyo wixi la mid ah.
Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa dambigaas iska leh.
Inta kale waa dameeri dhaan-raacday. Dawankaas iska daba dhacay dulucdiisa la garey.
Waa sagootiskii habeenkii dheeraa. Waa soo dhaweyntii waaberigii wax badan la sugayey.
Maalin taariikh leh baa madaxa keentay. Waa kala bayrkii u weynaa taariikhda nolosha Maana-Faay. Juu ama jaa. Jab aan laga kaban iyo jiritaan wacan bay maanta mid u jahaysan. Jid saddexaad ma jiri karo.
Been ma sheegin murti-dhaarigii laga maqlay, laba kala bariday kala war la’. Waagaa beryey waa 13kii bisha Mowliid. Guryo Xamar Weyne ku yaal farxad buu ula beryey. Guri Boondheere ku yaalse murugo iyo walaac buu ku soo balleeyey. Guryaha Xamar Weyne ku yaal waa reer Xaaji Muumin iyo reer Aw- Mukhtaar.
Waxa farxadda ka keenaya waa arooska afar-geeska ah ee hawlihiisii maanta loo wada heegan yahay, nikaaxiisiina caawa lagu qorsheeyey. Guriga Boondheerena waa reer Ciise-Dheere oo Maana-Faay ilaa shalay dulsaar ku ahayd murugadana u keentay. Habeenkii tagay, hammi iyo hurdo la’aan buu ku dhaafay
Aweys Xaaji Muumin waa qofka ugu farxad badan dadka subaxaas Xamar Weyne waagu ugu beryey. Gacalisadii Jiija ayuu habeen dambe afar gidaar dhexdood albaabka hoosta uga xiran doonaa, isagoon cidi la joogin, cidina u jeedin. Laguna ceebin mayee waaba lagu bogaadinayaa.
Alla dahabsanaa! Waxa uu sameyn doonuu ku sii riyoonayaa. Muuqaalkii u soo baxaaba farxad buu ku sii biirinayaa. Intuu is-illaawuu keligii isu qoslayaa. Markuu isgartana hareeraha iska eegayaa.
Marmarka qaarkoodse wuu isku naxayaa. Siduu imtixaanka uga gudbi doonuu ka welwelayaa. In uu wax khalduu ka cabsanayaa. Habeenkaas Aweys laba indhood isuma geyn. Sida walaashiise murugo iyo madax-xanuun lama hurdo seegin. Farxad iyo fikrado is-jiirayuu la gam’i waayey.
Jiija qudheedu kama yaraysatee, wayba ka horraysaa. Adduun kaloo ay ka fekertaaba iyada uma jiro.
Waxaase farxadda ka jiiraya, dareen yaxyax iyo mid baqdineed ee markay in yar faraxsanaataba ku soo boodaya, sidii calool xanuunkii.
Waa makhabiyo guri-joog ah, oo la yiri boqollaal qof baa maanta hawshaada keliya u heellan, habeenka arooskana hareerahaaga tuban ee adiga uun ku daawanaya; ugu dambeystana nin baa aqal cidla ah la isaga kiin tagayaa, irridahana hore la idiinku sii ooday.
Idinka lee waaye! Aabooy- aabooy, amuur ahaa taasi! Xumaayoo fiicanaa.
Fiicanaa, fiicanaa! A’aah! Wallaahi baxaraa lagu jiraa!
Abuukar Aw-Mukhtaar farxad la sheegaa kama muuqato. Ninka arrintu khusaysana uma eka. Waa jirjirroolaynayaa. Reer uu isagu ka taliyo iyo naag aan cidi la wadaagin, cawiyo maalinna diyaar u ah, markay ku soo dhacdo, wuu isu bogayaa.
Mas’uuliyadda fuuli doonta iyo magaalada uu ka xirmi doono markuu soo gocdana wuu is- xumaynayaa.
Muxuu u sheegi doonaa gabdhihii saaxiibbadiis ahaa, ee ay ‘Ciyaal-biidka’ isla ahaayeen, caweysyadana isla darandoorrin jireen tumashada cawo kasta carcarta cusub leh? “Yaakhay arooskaan dhibkiisa ma iga dhaaftiinoo?” ayuu markaas hoos ugu gunuunucayaa, korse uma oran karo. Laba daraadle waxaa wadne-fug ku riday burutokoolka arooska.
Wuxuu garan la’ yahay waxa uu ku hadli doono iyo sida uu isu ekeysiin doono saacadaha badan ee uu isagoo jaakaysan, aroosad iyo laba malxiisna ku dhex jira u taagnaan doono qaadashada hambalyada iyo salaanta dadka faraha badan ee ka soo qayb galaya xafladda arooska.
Saacadahaas xasuustoodu waxba ugama duwana xabsi ay ku xukuntay maxkamad aan rafcaan lahayn.