TIXANAHA SHEEKADA MAANA FAAY QEYBTII (55-AAD)

Waxayse ku beegantay goor Leyla dulqaadkeedii buux dhaafay, ee ay aad uga xanaaqday dadkii dul- tubnaa iyo warkii badnaa ee ay ku buuqayeen. Waxaa mar qura ku soo dhacday, Maxaa naagahaan iyo ciyaalkooda arrimihiinna soo dhex geliyey? Waxay ku abhisay in ay gurigeeda uga baxaan.  Markay  tii  u  dambeysay  baxday  bay

albaabkeeda hoos ka xiratay, Maanana khasab ku aamusisay.

Xanaaqii wayba ku xoogsatay. Nolol iyo ad-adeyg bay ka qaadday. Intay laab-la-kicii iska illowday bay arrintii si dhab ah ugu fekertay. Tallaabada ku habboon iyo taladii ay yarta ku biirin lahayd bay maskaxdeeda ka baartay.

Meel ay jaaha u saarto way garan weyday. Isma dhiibine maskaxday sii dhalaalisay. Mar dambaa fikradi ku soo dhacday. Fikraddii bay u bogtay, walaasheedna u gudbisay.

Waxay kula talisay, inay aroortii Axmed Jaamac ku kallahdo, arrintana farta ka saarto. Talo isagay jirtaa. Waa imtixaankiisii kama dambeysta ahaa. Waa in uu ka gudbaa, ama ku dhacaa.

Hadduu wax isku hayo, gabadhiisana daacad u yahay waa inuu dabinka kala baxaa. Waa in uu nikaaxa habeen dambe lala maaggan yahay mid ka horreeya ka gaarsiiyaa.

“Haddii kale us daacad ma kuu aha, lakhdabaas kugu wadey, adina ka tala bax; haddiid dhimaheesid dhereerka waa la iska duwaa. Sida waalidkaada kuugu taliyey iska yeel! Adduunyo nasiib lee waaye,” ayey ugu gabagabeysay.

Maana taladaas way qaadatay. Aad bay ugu riyaaqday. Hortiiba wax ku dhiirrigeliya uun bay la’ayd. Rajo fiican baa gashay. Niyaddeedii nolol baa ku soo yara noqotay. Talo kale ma jirto.

Waa in ay isla berrito subax Cagaaran isula dhuuntaan. Kaddib wixii dhacaayaaba ha dhaceen. Axmed sidaasuu ku

talin doonaa. Maana rajadaasay habeenkii oo dhan isku  maaweelinaysey.    Waaberigana dherarsanaysay.

Diiq baa dhawaaqay. Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay. Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay. Ka baxshaa ba’ay. Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday. Digaag aleeggadaya.

Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya. Dhallaan ooyaya. Dumar aamusinaya, iyo wixi la mid ah. Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa dambigaas iska leh.

Inta kale waa dameeri dhaan-raacday. Dawankaas iska daba dhacay dulucdiisa la garey. Waa sagootiskii habeenkii dheeraa. Waa soo dhaweyntii waaberigii wax badan la sugayey.

Maalin taariikh leh baa madaxa keentay. Waa kala bayrkii u weynaa taariikhda nolosha Maana-Faay. Juu ama jaa. Jab aan laga kaban iyo jiritaan wacan bay maanta mid u jahaysan Jid saddexaad ma jiri karo.

Been ma sheegin murti-dhaarigii laga maqlay, laba kala bariday kala war la’. Waagaa beryey waa 13kii bisha Mowliid. Guryo Xamar Weyne ku yaal farxad buu ula beryey.

Guri Boondheere ku yaalse murugo iyo walaac buu ku soo balleeyey. Guryaha Xamar Weyne ku yaal waa reer Xaaji Muumin iyo reer Aw- Mukhtaar.

Waxa farxadda ka keenaya waa arooska afar-geeska ah ee hawlihiisii maanta loo wada heegan yahay, nikaaxiisiina caawa lagu qorsheeyey.

Guriga Boondheerena waa reer Ciise-Dheere oo Maana-Faay  ilaa  shalay  dulsaar  ku  ahayd,

murugadana u keentay. Habeenkii tagay, hammi iyo hurdo la’aan buu ku dhaafay.

Aweys Xaaji Muumin waa qofka ugu farxad badan dadka subaxaas Xamar Weyne waagu ugu beryey.

Gacalisadii Jiija ayuu habeen dambe afar gidaar dhexdood albaabka hoosta uga xiran doonaa, isagoon cidi la joogin, cidina u jeedin. Laguna ceebin mayee waaba lagu bogaadinayaa.

Alla dahabsanaa! Waxa uu sameyn doonuu ku sii riyoonayaa. Muuqaalkii u soo baxaaba farxad buu ku sii biirinayaa. Intuu is-illaawuu keligii isu qoslayaa. Markuu isgartana hareeraha iska eegayaa.

Marmarka qaarkoodse wuu isku naxayaa. Siduu imtixaanka uga gudbi doonuu ka welwelayaa. In uu wax khalduu ka cabsanayaa. Habeenkaas Aweys laba indhood isuma geyn.

Sida walaashiise murugo iyo madax-xanuun lama hurdo seegin. Farxad iyo fikrado is-jiirayuu la gam’i waayey Jiija qudheedu kama yaraysatee, wayba ka horraysaa. Adduun kaloo ay ka fekertaaba iyada uma jiro.

Waxaase farxadda ka jiiraya, dareen yaxyax iyo mid baqdineed ee markay in yar faraxsanaataba ku soo boodaya, sidii calool xanuunkii. Waa makhabiyo guri-joog ah, oo la yiri boqollaal qof baa maanta hawshaada keliya u heellan, habeenka arooskana hareerahaaga tuban ee adiga uun ku daawanaya;

ugu dambeystana nin baa aqal cidla ah la isaga kiin tagayaa, irridahana hore la idiinku sii ooday. Idinka lee waaye! Aabooy- aabooy, amuur ahaa taasi! Xumaayoo fiicanaa Fiicanaa, fiicanaa! A’aah! Wallaahi baxaraa lagu jiraa!