Hadday taasi ku adkaato, sida badanaaba dhacda, wuxuu ku dadaalaa in uu ka guntado xarig uu berri raad raaci karo. Gurigeeda, taleefoonkeeda, meesha ay ka shaqayso, ama dugsiga ay dhigato iyo wixi la mid ah. Kuma aammino taleefoon ay isaga ka qaadato, ama ballan ay u dhigto oo keli ah. Isla markaas, waa in uu inta ay la joogto ‘burhaantiisa’ wax ka tusaa, ee run iyo beenba ku indha sarcaadiyaa, si ay araggiisa labaad ugu soo hilowdo. Taasi waa qofta caadiga ah ee uu ugaarsanayo. Laakiinse tani waa dumaashidi. Dumaashidi miyaa hunguri ka hayaa? Xaashaa lillaah! Sharafkiisaa ka weyn! Oo haddaas muxuu ilaa xadkaas u danaynayaa? Muxuu barnaamijkii u qorshaysnaa ugu loogay? Muxuu isagoon waqti haysan u soo ag fariistay, ee sheekada dheer ugu galay? Hayaay! Muxuu uga hagaagi la’yahay, ee ay weli u haysataa sidii magnadkii? Muxuu u sii dhadhansanayaa erayadeeda? Muxuu u sii macaansanayaa daymadeeda? Bal adba! Ma uu garanayo. Timir laf baa ku jirta! Ceeb Alla ha asturo! Maya. Maya. Xaashaa. Alle iguma jirrabin in aan saaxiibkay gacan dhaafo. Inta naago Ilaahay badshay dumaashiday wax ka damci mayo. Immisaa bocor i daba ordaysa, ee aan ballannadoodii kala jahayn kari la’ahay! Laakiinse tani dumaashiyo la mid ma aha, dumar la jaad maaha. Eeysh calaa cuyuun! Qoftu ma qof baa! Yaa salaam! Bal Ilaah baan idinku dhaarshaye, eega canabkaas bislaaday! Ma indhahaasaa la iska celin karaa! Ufaa caleeg! Jalleeceeda macaan baa i dishay! Istaaqfurulla! Nacallaa shaydaan ku yaal! Hungurigaygow yur! Ceeb caleeg! Laakiin sow ma suurtowdo in ay saaxiibkaa kala haraan, illayn isma qabaane, ee aad markaas ka dib cidla ka heshid? Haah. Maxay u suurtoobi wayday. Yaakhey muu isaga haro! Tolow sidee uga reebtaa? Calaa kulli xaal, qofta si fiican isu bar. Intii uu xabbad sigaar ah shidashadeed ku marmarsoonayey, buu mawjadahaas oo dhan dhex muquufay. Dhawr jeer buu Maana-Faay ku celceliyey soo bandhigiddii martiqaadka. Wuxuu isku dayey in uu ku qanciyo. Hase yeeshee way u soo dabci wayday. Waxay markii dambe ku afgobaadsatay, “Caawa kuma soo tala geline waqti kale ha noo ahaato.” Axmedna markii dambe ra’yigaas ‘reer magaalnimada’ ah garab buu ku siiyey. Saaxiibkiisna wuxuu ku qanciyey in ay Maana galabtoo dhan gurigoodii ka soo maqnayd, intaas ka badanna ka maqnaan karin, waana wax jira. Wuxuu kaloo u raaciyey in loo baahan yahay in Kulmiye saaxiibaddiisna martiqaadka laga qayb galiyo, taasina ayan habeenkaas suurta gal noqon karayn. “Maxaa yeelay qoftii la marti qaadayo waa in waqti hore la wargeliyaa,” buu yiri Axmed, isagoo si dadban Kulmiye ugu sheegaya in martiqaadkiisu degdeg yahay, loona baahnaa hadduu caawa Maana marti qaadayo in uu shalay ama dorraad u sii sheego. Sidaasaa loogu heshiiyey in martiqaadkii dib loo dhigo. “Maana waxay i soo xusuusinaysaa,” Kulmiyaa yiri, isagoo Maana eegaya, “Gabadhii sannadkii dhawayd ku guulaysatay tartankii boqoradda quruxda adduunka ee Landhan lagu qabtay. Aad baad isugu eg tihiin. Haddaad isku dal u dhalan lahaydeen, waxaan is-oran lahaa waa mataano.” Axmed markuu warkaas maqlay buu buugaag koomadiin Maana gadaasheeda yaal ku dul rasaysnaa ku dhaqaaqay. Sidii nin aan sheekada u dhugma lahayn buu buug ku sii jeestay. Laakiinse buugga akhrin mayne sheekada Kulmiyuu hoosta kala socday. Wuxuu ku sigtay inuu yiraahdo, “Aaheey waa markaagii. Adeerow boqorad quruxdeed ma aadan arag, gabadha beenta ha iiga beer goyn.” “Ad gebertaas intee ku aragtay?” M