TIIHA SIYAASADEED MAXAA INOOGU SABAB AH?

Tiih waa eray loo adeegsado jahwareerka ku dhaca qofka taas oo uu ku kala garan waayayo dhinaca uu ka socdo iyo dhinaca uu u socdo haddaba Soomaalidu waxay in muddo ah ku jireen Tiih Siyaasadeed kama baxaan xilli walba oo la joogo iyagoona hoos ka guux ama dareemaya tiih u badan dhinaca siyaasadda oo ay u muuqato mid ay ku abaaday.

Soomaaliya ma aha dal siyaasad ahaan curdan oo waxay gobanimadeeda heshay sanadkii 1960 oo tirsi ahaan ah waqti aad u fog oo dal ku noqon karo mid qaangaar dhaafay laakiin tani wax badan nooma keenin oo aan aheyn in qabyaalad ay kor iyo hoosba naga halakeysay dalkiina ay u horseeday dib u dhac midba kan ka dambeeya uu ka sii xun yahay.

“Uma qabin in maanta tiiha laga dareensan yahay guri kasta oo Soomaali ku nooshahay oo aan weliba tiihaasi inoo sababo in aan ku sifaadno innaagoo ambad ku ah dunida daafaheeda weliba annagoo marti aan la rabin ku ah dalal shisheeye oo aanan aqoon u laheyn dhaqankooda iyo diintooda “ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Cali oo ah qurbajoog soo daalay oo haatan dan mooday in uu dalka ku noolaado oo tiiha iyo walaahowga uu qeybtiisa ka ahaado.

Wxuu is weydiiyey “Maxaa sabab inoogu ah tiihaas siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn?”.

“Arrin marka horeba haddii ay salka ka qurunto kor kama hagaagi karto” ayuu ku jawaabay Cawaale Axmed C/llaahi oo ah oday waayo arag ah oo dhinac fadhiyey lana socday ganuunaca tiiha xambaarsan ee Cabdiraxmaan wuxuuna sii raaciyey “Quraan Alif ka hallaabay Albaqro kuma hagaago”.

Dhabtii, waa waxa Soomaaliya ka jira waana sabab la isweydiin karo sida ay ku dhacday laakiin salka arrimahan fahamkooda waa mid fudud.

Waxaa la isweydiin karaa maxaa Soomaalida qabyaaladda baas ee baabi’isay daba dhigay oo ilaa lixdankii iyo haaatan ay wax u hagaagi la’ yihiin?

Soomaalida siyaasadeeda iyo nolosheeda waxay ku tiirisan tahay Qabiil iyo Qabyaalad, iyaga ayaa wax lagu sad-bursadaa oo lama qariyo waxayse caalamku weli Soomaalida kula yaabban yihiin in hannaanka dowladeed lagu dhaqo Qabiil mutaxan iyo qabyaalad gaamurtay.

Taas waxaad ka soo dheegan kartaa hannaankii wax qeybsiga ee Baarlamaanadii 1960-meeyadii iyo awood qeybsigii dowladeed ee xilligaa iyo dowladihii xilligaa dalka ka soo taliyay iyo kuwii danbeba.

Dadka qaar waxay qabaan in tiiha siyaasadeed ee go’itaanka ay sheegatay Somaliland in ay ka go’eyso Soomaaliya inteeda kale aanu bilaaban 1991_dii balse uu ka soo jeedo hannaankii awood qeybsiga ee sanadihii 1960 oo siyaasiyiintii reer Woqooyiga hankoodii iyo wixii ay Koofurta ka filanayeen aanay ka helin oo lagu soo tuuray wax aan ka badneyn hal wasiir darajada koowaad ah

Ma la dhihi karaa Xisbiyadii xilliyadaa looltamayey ee millitarigu tala ka maroojiyeen waxay ahaayeen axsaab fikri ah. Jawaabtu waxay u badan tahay in ay noqotay waxay ahaayeen Axsaab Qabiil, waxayna aheyd arrin iska cad.

Gulufkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ugu dambeysay ee axsaabtaas ku loolamayeena waxay keentay in madaxweynihii dalka ee xilligaas C/rashiid Cali Sharmaake maalin cad lagu dilo magaalada Laascaanood ee G/Sool.

Kacaankii xigay laftiisa hannaankii awood qeybsiga ee Golihii Sare ee kacaanka waxaa ka jiray wax qeybsi qabiil iyo qabyaalad ku dhisnaa inkasta oo xilliyadii ugu horreeyey kacaanku sheegay in Qabiilka la aasay oo god lagu riday.

Kaba daran tiihii siyaasadeed wuxuu sii kordhay ka dib markii dowladdii kacaanku dagaal cad ku qaaday qabaa’illadii ka soo hor jeestay oo lagu tiimbareeyey Kacaan-diid qaarkood magacyo gaar ah loola baxay si dilkooda loo xalaaleysto.

Degaanno dhan oo qabaa’ilo kala duwan degaan ayaa la mooro duugay dalkiina lagu laayay halka kuwo kalena ciidankii loogu talagalay difaaca dalka iyo hubkii cadowga loo adeegsan lahaa iyaga lagu jeediyey.

Tani waxay dhashay naceyb xun oo loo qaaday dowladdii kacaanka oo dhalashadeedii ubaxyo qoyan lagu soo dhaweeyey balse noqotay “la mood noqonse weyday” oo laga niyad jabay.

Kuwii isku dayey in Kacaanka ay af-rogaan laftooda waxay isu hubeeyeen qaab qabiilooyin ah wuxuuna xaalku noqday qabaa’il wada hubeysan oo caasimadda ku soo wada jeeda iyagoon laheyn hal hadaf siyaasadeed oo u qoran si ay ugu howlgalaan kuna jiheeyaan dalkii ay iyaguba qeyb ka noqdeen kuwii gacantooda ku sii burburiyey.

Erayga ah “Isma dhaanto iyo dhasheedii” ayaa afku u batay, tiihii siyaasadeedna waxaa ku dhacay sicir barar oo kor buu u sii kacay.

Qoloba meel ay xoreysatay ayey ku dagtay isma maqal iyo feker mideysana waa laga tagay oo Soomaalidu waxay noqdeen dad aan indho iyo dhego laheyn oo howtul hamag meel mugdi ah ku dhex socda caalamkuna ku wareeray markii laga caal waayey shirar siyaasdeed kontameeyo kor u dhaafay oo ka dhacay dalka dibeddiisa ayaa loo qabtay.

Inkastoo la yabyabay dowlado ku meel ah oo aan awood badan laheyn hadana waa lagu guulystay in laga baxo ku meel gaarkii laakiin …. weli fari kama qodna waxaana tiihiihii siyaasadeed sii holcinaya kooxo iyagana afkaar diimeed gurran ku doonaya in ay wax ku burburiyaan, geystayna waxyeello nafeed iyo mid hantiyeed oo wixii hore oo dhan isku fuuqsatay.

Kuwani waxay isku dayayaan in ruxaan, gilgilaan oo salka u siibaan waxa yare ee ifka dowladeed oo ay u arkaan in uu lid ku yahay waxa ay wataan oo ay doonayaan in ay ka dhex fushadaan Soomaalida oo iyadaba la taahaysa tiihaas siyaasadeed ee ku ragaaday.

Soomaalidu waa umul oo wixii soo maray wax kama barato “illosho dhawaa, ma Umul baa?” ayey dhahaan Soomaalid marka qofku jabkiisa wax ka baran waayo.

Diinteena suubbana waxey inoo sheegtay in qof ka Mu’minka ah hal god labo jeer aan laga qaniinin ee Qabyaaladda iyo Khawaariijta aan si siman ula dagaalno.

Hadaba waxay ila tahay in aad haatan la soo bixi karto nuxurka sababaha keenaya in aanay Soomaalidu ka bixi la’ahay tiihaas siyaasadeed ee jid iyo jahaba u diiday.

WQ: Maxamed Shiil Xasan