Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka G. Banaadir oo ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka daah-furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Cayaaraha ay muhiim u yihiin is dhexgalka bulshada, isla markaana loo baahan yahay in la dhiira-geliyo dhalinyarada, waxa uuna guul u rajeeyay dhammaan degmooyinka ka qeyb-galaya Tartanka gaar ahaan Degmooyinka Degmooyinka Heliwaa iyo Gubadleey oo galabta lagu furay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Furitaanka Tartanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Xildhibaano, Guddoomiye Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo taageerayaal kala gedisan.

<Kulanka furitaanka tartanka Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Degmadda Balcad ayaa waxaa galabta wada ciyaaray degmooyinka Heliwaa iyo Gubadleey, ciyaartuna waxaa ay ku soo dhammaatay barbaro goolal la’aan ah.