Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedkii ka socday Warbaahinta Qaranka.

Tartan aqooneedkan ka baxa sanad walba Bisha barakeysan ee Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii 29aad ee kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinayey Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada Degmo ee Yaaqshiid iyo Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u fiican , isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag intii uu tartanku socday.

Yaaqshiid

Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal ka mid ah, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay faa’iideysi ahaan u heleen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Kismaayo

Sidoo kale, Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay Todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, waxa ay iska qaldeen Hal su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba sida uu qabo sharciga tartanka marka ay labo degmo isku dhibco noqdaan waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada dhinacna mid uun usoo baxo , waxaana su’aalihii dheeriga ahaa ee lagu daray ay labada degmo iska qaldeen min halkii su’aal ee la weydiiyay, balse tartanayaasha Kismaayo ayaa fursad u helay inay ka faa’iideystaan su’aashii ay garan waayeen Tartamayaashii Yaaqshiid, sidaas ayayna caawa ku badisay Kismaayo 14-dhibcood, halka Yaaqshiid ay la timid 12-dhibcood.

Hadaba, kulankii 29aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa ku guuleystay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halka kaalinta labaad ay galeen tartamayaasha degmada Yaaqshiid, waxaana kaalinta saddexaad ee tartanka ku guuleystay Tartamaayasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.