Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in 1-da Sebtembar uu Gaza ka bilaaban doono tallaalka cudurka Dabeysha, iyadoo kooxaha caafimaadka ay u baahan yihiin 48 saacadood si loogu diyaargaroobo ololaha tallaalka iyo xaadirinta carruura la tallaalayo.
Ururka Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay ogolaatay gurmadka tallaalka ee la siinayo caruurta Gaza,inkastoo la tilmaamay in howsha tallaalka ay ka dhici doonaan oo keliya meelo gaar ah iyo waqtiyo gaar ah.
Ogolaanshaha tallalka cudurka Dabeysha ayaa imaanaya xilli Israa’iil ay weeraradii u dambeeyay ku dishay ugu yaraan 79 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.iyadoo dhaawacday 77 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Dhinaca kale,Shiinaha ayaa Israa’iil ku cambaareeyay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo yiri”waa in aan marnaba la oggolaan in masiibo bini’aadanimo oo la mid ah Gaza ay ka dhacdo Daanta Galbeed, taasoo u rogi doonta Daanta Galbeed cadaab kale oo dhulka ah.
Ugu yaraan 40,602 qof ayaa lagu dilay dagaalka Gaza,halka 93,855 oo kalana la dhaawacay,kadib colaaddii Israel ee bilowda sanadkii hore.