Taliye Tareedishe oo CXD ku boorriyay inay laba laabaan weerarrada ka dhanka ah argagixisada

Buulo burte- Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa faah faahiyay weerar ay argagaxisadu kusoo qaadeen shalay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay malleeshiyada Al-shabaab.

Janaraal, Tareedisho ayaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan ku ammaanay sida geesiminada leh ee ay isaga difaaceen weerarka naf lacaarinimada ah ee ay argagixisadu ku qaadeen fariisimada ciidanka xoogga ee degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliye Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sidoo kale ciidamada XDS iyo ku boorriyay in ay sare u qaadaan howlgallada ka dhanka argagixisada, isagoo saraakiisha qaybta 27aad ee xaruntoodu tahay degmada Buuloburte usoo jeediyay inay u dhabar adaygaan howlgallada lagu baacsanayo malleeshiyaadka Al-shabaab.

Hadalka taliye Axmed Tareedishe ayaa imaanaya iyadoo ay malleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab weerar naf lacaarinimo ah kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi, halkaas oo lagaga dilay lix ka mid ahaa argagixisada lagana furtay saanad ciidan oo fara badan.