Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen Sulub Axmad Firin, ayaa Ummadda Soomaaliyeed la Wadaagay Hambalyada 80 sano guuradii kaSoo Wareegtay Aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu taliyaha ugu hambalyeeyay Munaasabadda Sanadguurada 80-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.