Taliye Mustafe: Cadowga Soomaaliyeed innaga ayaa ku filan

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee kumaandoska Gor-Gor,Dhemme Mustaf Mohamed Husseen oo la hadlayay boqolaal kamid ah ciidanka kumaandooska Gor-Gor ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay mar walba u taaganyihiin difaaca dalka,ayna u dhaarteen cid walba oo soo damaacisa qaranimada & midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Cadawga Soomaaliyeed innagaa Ku Filan,kamana yeleeyno cid walba oo soo damaacisa madax bannaanida jamhuuridda Soomaaliya “ayu yiri Taliye
Dhemme Mustaf Mohamed Husseen

Taliyaha Ururka 193’aad Guutada 19’aad ee Gor-Gor ayaa ciidanka u sheegay in  ay u diyaar garoobaan difaaca dalka,cid laga yeelayana aysan jiri xadgudbka ay waddo itoobiya oo si cad u dafirtay Madaxbannaanida ummadda soomaaliyeed.