Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiijyay 75- kamid ah maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman

Waxaa sii korortay tirada dhimashada maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu laayay deegaanka Yasooman Ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa u xaqiijyay wakaaladda Wararka SONNA In 75 kamid ah maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman sidoo kalana lagu qabqabtay tiro maxaabiis ah oo katirsan maleeshiyaadka Alshabaab

Howlgalka ayaa wali socda iyadoo ciidamada Xoogga Dalka ay ku sii siqayaan deegaano horleh oo Alshabaab ay horay ugu sugnaayeen.