Taliyaha Taakulaynta Danab oo xarigga ka jaray dhisma cusub oo loogu talagalay Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab

Taliyaha Taakulaynta Danab, Dhamme Jeylaani Abukar Xuseen, iyo Taliyaha Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Dhamme Caarif Hire Salaad,ayaa xarigga ka jaray Dhismayaal Cusub oo loogu talagalay Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab.

Dhismayaasha Cusub ayaa isugu jira Isbitaal, Masaajid, Xafiisyo, Jikooyin, Musqulo iyo hagaajinta Goobaha Qashinka ee Xerada, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo Adeegyada iyo Xaaladaha Nololeed ee Ciidanka, isla markaana kor loogu qaado tayada kaabeyaasha ay adeegsanayaan Ururku.

Dhismayaashan ayaa lagu hirgeliyay isku-tashi ay sameeyeen Xubnaha Ururka 162-aad, iyadoo Saraakiisha Ururkuna ay muujiyeen dadaal dheeraad ah oo horseeday in qorshayaashii horumarineed ay miro-dhal noqdaan, isla markaana la helo Adeegyo muhiim u ah Ciidanka

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliye Xigeenka Ururka, L/X/Le Abdirisaaq Kuusane

Saraakiil iyo Xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab.

Munaasabadda ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay dhismayaashani u leeyihiin daryeelka Ciidamada, Maamulka howlaha, iyo xoojinta Adeegyada aasaasiga ah ee Ururka 162-aad.

Dhismayaashan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Xarumaha Ciidanka Kumaandooska Danab, laguna abuurayo jawi wanaagsan oo ku habboon Ciidamada iyo gudashada waajibaadkooda Qaran.

 

dhisme.jpgdhisme1.jpgdhisme2.jpgdhisme3.jpgdhisme4.jpg