Taliyaha qeybta 60-aad oo booqday ciidamo loo tababarayo Miino Baaris

Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeye guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi ( Ciirow) ayaa kormeeray tiro ka tirsan Ciidanka oo tababar Miino Baaris ah uu uga socdo Xerada Tababarka UK ee magaalada Baydhabo.

Taliyaha oo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen madaxda maamulka ciidamadaasi,waxa  uu ciidanka la siinayo tababarka kula dar-daarmey in ay si wanaagsan u qaataan tababarka si looga hortago dhagarta kooxda nabadiidka Al-Shabab.

Tababarkaasi oo dhowaan ka furmay xarunta tababarka ee Magaalada Beydhabo,waxaa casharro la xiriira miino baarista halkaasi ka wada macalimiin ka socda Dalka Ingiriiska iyo kuwo Soomaali