Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Manata kulan la qaatey dhammaan Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku Sugan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ayaa Saraakiisha kala hadlay Xaalada Amni ee Magaalada Baydhabo, kadib isbedelkii ka dhacay Koonfurgalbeed. wuxuuna Saraakiisha Boliiska faray in la xoojiyo wada shaqeynta laamaha Amniga, Wuxuuna Si gaar ah Boliiska ugula dardaarmey Amniga Gudaha Magaalada.


