Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Africa ee Dowladda Mareykanka (JSOTF -EA) ayaa xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,

Taliyaha ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada Ciribtirka Khawaarijta.