Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la yeeshay Talyaha Ciidanka ATMIS iyo Saraakiil kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odowa Yusuf Raage Ayaa xafiiskiisa ku soo dhawayey Sarakiil uu horkacayey Taliyaha Ciidanka ATMIS, Waxaana ay kawada hadleen dar dargelinta howlgalada ka socda guud ahaan dalka, kuwaasi oo lagu ciribtirayo argagixisada naf la caariga ah ee Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka ATMIS ee howsha u jooga Soomaliya. Gabo-gabada kulanka ayaa Taliyaha wuxuu hadiyado gudoonsiyey Taliyaha Ciidanka ATMIS ee howsha u jooga Soomaaliya isagoona uga mahadceliyay wada shaqayntooda joogtada ah iyo garab istaagooda.